Blackburn oo goolkii 3aad ku dishay rajadii Ferguson iyo ciidamadiisa
MANCHESTER, England (CIYAARO)—Blackburn oo ah kooxda horyaalka ugu hooseysa ayaa dharbaaxo lama filaan ah waxey ku dhufatay kooxda horyaalka Premier League difaacaneysa ee Manchester United oo ay kaga badisay 3-2 ciyaartii galabtay ka dhacday garoonka Old Trafford.
Natiijadaasi waxey wasaqeysay dhalashada macalin Alex Ferguson oo u dabaaldagaya sanadguuradiisii 70d kadib markii uu maalintii shalay aheyd ay buuxsantay 70 sano.
Blackburn, oo ka yaabisay dadkii garoonka soo xaadiray ayaa hogaanka ciyaarta waxey ku qabtay 2-0, markii 2 gool uu u dhaliyay Yakubu oo mid ka mid ah uu ahaa rigoore , laakiin markii la isku laabtay ayaa waxaa 2daasi gool ka soo guday United Dimitar Berbatov.
United waxey u baahneyd oo kaliyaha hal dhibic oo ay ku xaqiijiso iney sanadka cusub uu u dhamaado iyadoo hogaanka horyaalka u heysa, maadaama kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City ay ciyaareyso maalintaAxada ah, laakiin rajadaasi waxaa god ku riday Grant Hanley oo daqiiadii 80d ee ciyaarta goolkii guusha u dhaliyay Blackburn, ciyaartiina ku soo afjaray 3-2.
Guuldaradaasi waxey United siineysaa 45 dhibcood 19 kulan oo ay ciyaartay, waxeyna gool tirsi ahaan ugu hooseysaa City. Roberto Mancini waxaa la filayaa in uu 3da dhibcood ka qaadan doono Sunderland si uu hogaanka u xaqiijiyo.
Sunni Said Salah



