Carlo Ancelotti oo loo dhiibay hogaanka kooxda lacagta badan ee PSG

by Suni Said Salah | Posted on Friday, December 30th, 2011
Readers:476

PARIS (CIYAARO)—Kooxda lacagta faraha badan heysata ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in Carlo Ancelotti uu yahay macalinkeeda cusub maantay oo jimco ah, taasoo soo afjareysa hal todobaad oo malawaal ah.

Macalinkii hore ee kooxaha Chelsea, AC Milan iyo Juventus wuxuu badalay Antoine Kombouare, kaasoo shaqada laga raacdeyay , iyadoo waliba PSG ay tahay hogaamiyaha horyaalka French.

Ancelotti, wuxuu qalinka ku duugay heshiis soconaya hal sano iyo bar , waxaana loo maleynayaa in la kordhin doono maadaama uu kooxda agaasime ka yahay Leonardo oo  macalinka 52-sano jirka ah ku dhaweeyay  Paris.

Xiddigii hore ee xulka France Claude Makelele ayaa kaaliye macalin looga dhigay kooxda, wuxuuna ka hoos shaqeyn doonaa Ancelotti, kaasoo Milan u qaaday Champions League  2003 iyo 2007, isla markaana Chelsea u qaaday Premier League iyo FA Cup.

Ancelotti waxaa shaqada Chelsea laga raacdeeyay bishii May ee sanadkii tagay markii uu kooxda u qaadi waayay horyaalkii xilligaasi.

Shirkad laga leeyahay dalka Qatar oo la yiraah Qatar Sports Investment ayaa waxey gadatay PSG bishii June ee sanadkaan waxeyna ku maalgalisay  $116 million, waxey dooneysaa in ay qaado horyaalkii ugu horeeyay tan iyo 1994 isla markaana ay sanadka soo socda ka qeybgasho Champions League markii ay mudo 7 sano ah ay ka maqneyd.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>