Ciyaartoy diiday iney u ciyaaraan Cameroon hadii Eto’o aan xayiraada laga qaadin
2 ciyaartoy oo kale ayaa diiday iney u ciyaaraan xulka kubadda cagta ee Cameroon, waxeyna sharuud kaga dhigeen in marka hore laga qaado ganaaxa la saaray captain-kooda Samuel Eto’o, kaasoo ciyaaraha xulkiisa laga ganaxay 15-kulan.
Jean Makoun iyo Benoit Angbwa ayaa waxey waraaq u qoreen xiriirka kubadda cagta ee dalkaasi ee Fecafoot. iyagoo ku yiri ”ma ciyaari doono ilaa aad xayiraada ka qaadaan Eto’o”.
Captain ku xigeenka xulkaasi Enoh Eyong ayaa sidoo kale la duldhigay 2 kulan oo ganaax ah markii uu gadoodkaasi ka qeybgalay.
Qoraalka ciyaartoyda sidoo kale waxaa copy ahaan loogu diray wasiirka ciyaaraha dalkaasi, kaasoo muran mudo badan soo jiitamayay uu kala dhaxeeyo xiriirka dalkaasi ee Fecafoot.
Makoun wuxuu ciyaaraa kooxda Olympiakos ee dalka Greece halka Angbwa iyo Eto’o ay u wada ciyaaraan kooxda reer Russian ee Anzhi Makhachkala.
Qaar ka mid ah taageerayaasha xulka Cameroon ayaa horey caro ugu muujiyay ganaax la duldhigay Eto’o, kaasoo sababay in uusan u ciyaari karin dhamaan isreebreebka tartanka 2013 Africa Cup of Nations iyo isreebreebka ciyaaraha World Cup in Brazil 2014.
Xiriirka Cameroon ee Fecafoot wuxuu siiyay $500,000 oo magdhow ah xiriirka Algeria kadib markii ay baaqatay ciyaartii saaxiibtinimo ee labada xul, waxaana sababa u ahaa shaqo joojin ay sameeyeen Eto’o iyo saaxiibadii.
Sunni Said Salah



