Drogba oo banaanka dhigay Chelsea & Marseille oo nasiibku saaciday
LONDON (CIYAARO)—Didier Drogba ayaa Chelsea u soo saaray wareega knockout ee tartanka Champions League markii uu 2 ka mid ah u dhaliyay 3-0 ay kaga badiyeen Valencia , guushaasoo u xaqiijisay booska 1aad ee Group E.
Drogba ayaa hogaanka u dhiibay kooxda the Blues 3 daqiiqo oo kaliyaha markii ay ciyaartu socotay, goolkaasoo ahaa kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ay ebed ka dhaliso Chelsea tartankaan, kii 2aad waxaa shabaqa ku hubsaday Ramires daqiiqadii 22d-, kii 3aad waxaa ciyaarta ku soo gunaanuday Drogba daqiiqadii 76d , natiijadaasi waxey si fudud cadaadiskii ugu qaaday macalin Andre Villas-Boas.
Drogba goolasha uu xalay u dhaliyay Chelsea, waxey tirada goolashiisa ee tartankaan ka dhigayaan 36 gool. Valencia, si ay u soo baxdo xalay waxey u baahneyd oo kaliyaha iney badiso ama ay bareeejo keento.
Guusha Chelsea waxey booska ka saartay Bayer Leverkusen oo group-kaan kaalinta 1aad kaga soo bixi laheyd taasoo haatan ku soo baxday booska 2aad markii ay 1-1 la gashay Genk.
Olympiakos ayaa 3-1 kaga badisay Arsenal, laakiin badiskaasi wax uu u kordhiyay ma jirin, sababtoo ah waxeynba boos ka weysay Champions League.
Isla Group F, kulankii ugu yaabka badnaa ayaa ka dhacay magaalada Dortmund, halkaasoo ay kula ciyaartay Marseille.

Marseille's Andrew Ayew, left, scores during the Champions League Group F soccer match between Borussia Dortmund and Olympique Marseille in Dortmund, Germany, Tuesday, Dec. 6, 2011. Dortmund was defeated by Marseille with 2-3. Marseille reached the next Round. (AP Photo/Martin Meissner)
Dortmund, waxey ciyaarta ku hogaamineysay 2-0, laakiin Loic Remy, Andre Ayew iyo Mathieu Valbuena oo badal ciyaarta ku so galay ayaa guushii Marseille gacanta u galiyay.
APOEL oo horey u xaqiijsiay u soo bixitankeeda wajiga 2aad ee Champions League markii ugu horeysay taariikhdeeda ayaa ayaa qasaaro 2-0 waxey kala hoyaaday Shakhtar Donetsk.

Shakhtar players celebrate a goal against Apoel Nicosia during their group G Champions League soccer match at GSP stadium in Nicosia, Cyprus, Tuesday, Dec. 6, 2011. (AP Photo/Petros Karadjias)
APOEL , oo sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay ee Cyprus oo taarikhda tartankaan heerkaan oo kale soo gaarta ayaa waxey ku soo baxday kaalinta 1aad ee Group G markii Zenit St. Petersburg ay 0-0 la gashay FC Porto.
Barcelona oo ay xalay ka maqnaayeen Lionel Messi, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta ayaa 4-0 kaga badisay BATE Borisov, sidaana ku diiwaangashatay in 13 kulan oo Champions League aan gurigeeda looga adkaan.

FC Barcelona's players react after Sergi Roberto scored against Bate Borisov during a Champions League soccer match group H at the Nou Camp stadium in Barcelona, Spain, Tuesday, Dec 6, 2011. (AP Photo/Manu Fernandez)
Isla group-ka Barca oo ah H AC Milan ayaa 2-2 la gashay Plzen, iyadoo Milan sidaa ay booska 2aad ee group-kaasi ugu soo baxday.
Caawa ayaa la soo gabagabeynayaa tartankaasi wareegiisa 1aad waxaana la sugayaa oo isha lagu hayaa kooxaha reer Manchester ee United iyo City.
Sunni Said Salah




Si fiican ayaad u qaadaa dhigtay Mycket bra.Aad u fiican.