Drogba oo laga dhigi doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan aduunka

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, December 28th, 2011
Readers:804

Koox Chinese ah oo la yiraah Guangzhou Evergrande ayaa dooneysa in ay xiddiga kooxda Chelsea Didier Drogba ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan aduunka “the highest-paid player on the planet”.

Weeraryahanka Chelsea Drogba heshiiska uu kooxdiisa kula joogo wuxuu dhamaanayaa sanadkaan, hayeeshee wuxuu doonayaa inuu helo heshiis hal sano ka badan hadii uu joogayo  Stamford Bridge.

Tottenham iyo AC Milan ayaa sidoo kale sheegay iney daneynayaan xiddiga  33-sano jirka ah ee reer Ivory Coast halka Shanghai Shenhua ayaa sheegtay  in ay Drogba ka garab ciyaarsiin doonto Nicolas Anelka, kaasoo mar hore China yimid. 

Dalian Aerbin ayaa sidoo kale soo bandhigtay damaceeda ku aadan Drogba waxeyna ugu yaboohday 3 sano oo heshiis ah iyo  £30million – £200,000 todobaadkii .

Samuel Eto’o oo hada ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka ayaa jeebka todobaadkii wuxuu ku shubtaa £350,000, waxaana siisa kooxo reer Russian ah oo la yiraah  Anzhi Makhachkala laakiin  kooxda Evergrande waxey Drogba siin doonaa lacag intaa ka badan sida ay sheegtay.

Wages day: Samuel Eto'o signed a deal worth £350,000 a week earlier this yearTodobaadkii: Samuel Eto’o wuxuu qaataaa aduun gaara £350,000

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>