Hodon, Dharkeynley, Wada Jir iyo Yaaqshiid oo iskugu soo haray semifinalka tartanka degmooyinka

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, December 24th, 2011
Readers:629

Wiilasha kubada Cagta ee degmooyinka Yaaqshiid iyo WadaJir ee gobalka Banaadir ayaa galabta xaqiiqsaday in ay usoo talaabeen wareega 4-ta ee semifinalka tartanka nabada gobalka Banaadir oo lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka soconayay garoonka Stadium Banaadir

Galabta waxaa sidii caadadu ahayd la qabtay laba cayaarood waxaana cayaarta hore ay dhex martay degmooyinka Yaaqshiid iyo Waaberi. Degmada Yaaqshiid ayaa dhigeeda waaberi kaga adkaatay 3-1,inkastoo cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.

Weeraryahanka lagu magacaabo  Cabdishakuur maxamed Cusmaan ayaa goolka hore u dhaliyay kooxdiisa Yaaqshiid daqiiqadii 3-aad ee qeybat hore ee cayaarta. Laakin daqiiqadii 30-aad ee isla qeybta hore ayaa la barejeeyay degmada Yaaqshiid kadib markii Cumar Xasan Cabdulle uu kooxdiisa Waaberi u dhaliyay goolka qura.

Si kastaba ha ahaatee rajadii degmada Waaberi ayaa mugdi gashay kadib markii Maxamed Cusmaan oo numberka 10-aad xirta iyo Cabdi Siidow Xuseen ay goolashii 2-aad iyo 3-aad u dhaliyeen Yaaqshiid  daqiiqadihii 53-aad iyo 79-aad ee qeybta dambe ee cayaarta.

Cayaartii labaad Demada Wadajir ayaa dhulka madaxa u dhigtay degmada Howl-wadaag kadib markii 3-1 ay iyana ku quusisay Howl-wadaag oo wareegii hore ee tartanka rigooreyaal kagasoo gudubtay.

Goolka hore waxaa Howl-wadaag looga naxsaday daqiiqadii 10-aad ee cayaarta qeybteedii hore ,waxaana goolkaas degmada Wadajir u saxiixay cayaaryahanka lagu magacaabo Cusmaan xasan Cali oo daqiiqadii 53-aad sidoo kale gool u saxiixay kooxdiisa halka goolka sadexaadna uu isla kooxdan wadajir u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Feysal Maxamed Sheekh daqiiqadii 46-aad ee cayaarta.

“Wiilasheydu awood ayay leeyihiin, waxaana aad ugu rajo weynahay in koobka aan ku guuleysano”ayuu shir jaraa’id ka sheegay guddoomiyanha degamada Yaaqshiid Muxuyadiin xasan Jurus oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ilaa iyo hada u aqoonsan yahay guddoomiyaha ugu kubad jacaylka badan guddoomiyeyaasha degmooyinkoodu tartanka ka qeyb galayaan. 

Sidoo kale guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed xasan cadow ayuu xiriirku ku amaanay kaalinta uu cayaarayo waxaana labadan guddoomiye ay amaanta ku muteysteen dhiirigelinta lacageed oo ay u sameynayaan kooxohooda iyo kuwa kasoo horjeeda intaba. 

Bari oo Axad ah waa la nasanayaa waxaana maalinta Isniinta ah is arki doona degmooyinka Hodon iyo Dharkeynley, halka Arbacadana ay wada cayaari doonaan Wada Jir iyo Yaaqshiid oo ah labada degmo ee tartanka ugu awooda badan 

Cayaarta finalka ayaa waxaa maalinta Jimcaha ah isaga hor imaan doona afartan degmo labadii soo baxda halka isla maalinta jimcahana kaalinta 3-aad ay u tartami doonaan labadii degmo ee semifinalka lagu reebo.

Related posts:

Displaying 3 Comments
Add Your Comment
  1. Cumar akram says:

    M.wa cumar wa takeraha wayn e dhan kenliy waxana u rajena in ay hanato kobkan dagmo yinka somaliya dhar kenlay guuuuuuul mar walba

  2. Cumar akram says:

    M.wa cumar wa takeraha wayn e dhar kenliy waxana u rajena in ay hanato kobkan dagmo yinka somaliya dhar kenlay waxana faraha kasari dona kobkan ciyartado kala ah {cali nuur,cabdulahi.sharmarke iyo golhayaha cano} dharkenlay mar walba guuuuuuul

  3. muqtaar says:

    asxaab ta wada nalaga socotaaw waan idin salaamay wiil soomaaliyeed oo ku nool magaalad adis ababa magaciisuna yahay muhamed kuna magac dheer chamakh.com

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>