Kaka oo booqasho ku tagay Masjid ku yaala Dubai
Ciyaaryahanka reer Brazil iyo kooxda Real Real Madrid Ricardo Kaka oo haatan dalxiis ku jooga Dalka Isku taga Imaaradka Carabta ayaa booqday mid ka mid ah masjidyada ugu waa weyn ee magaalada Dubai, kaasi
oo lagu magacaabo Bastakiya Mosque.
Booqashada ciyaaryahanka ayaa imaaneyso xilli uu dalxiis ku jooga Dubai,isagoona intii uu booqashada ku joogay xarunta masjidka Bastakiya Mosque uu halkaasi kula kulmay imaamka masjidka Sheikh
Mohgamed Alsaed,waxaana imaamka masjidka uu halkaasi kasoo jeediyay qudbad ka hadleyso barashada diinta islaamka iyo taariikhda soo jireenka ah ee islaamka,taasi uu aad ula dhacay ciyaaryahanka oo ay wehlinayeen xaaskiisa iyo walaalkiisa Digao oo isne ah ciyaaryahan.

“..aad ayaan ugu faraxsanahayh inaan soo booqdo halkaan(Dubai),waa magaalo cajiib ah,waana rajeynaa inaan mustaqbalka dhow kusoo laabto halkaan…” Kaka said.

Kaka oo 2007 ku guuleystay xidiga Yurub iyo Adduunka isla markaana haatan u ciyaara kooxda Real Madrid ayaana heysan diinta Islaamk,balse tani waxey astaan u tahay sida uu ciyaaryahanka ula dhacsanyahay
diinta Islaamka.
xuseen Maxamed Cabdulle”Riiko”
xuseenriiko@hotmail.com



