Man United oo markii 3 mudo16 sano ah laga saaray Champions League & City oo la raaciyay
MANCHESTER, England (CIYAARO)—Manchester United oo 3 mar qaaday koobka Champions League ayaa laga saaray tartanka markii 3aad taariikhdeeda mudo 16 sano ah oo ay tartankaan ka qeybgaleysay markii 2-1 guuldaro ah ay ka xanbaaratay kooxda horyaalka Swiss heysata ee Basel.

FC Basel's midfielder Xherdan Shaqiri (C) controls the ball between Manchester United's Serbian defender Nemanja Vidic (L) Welsh midfielder Ryan Giggs and English defender Chris Smalling (R) during their UEFA Champions League group C football match on December 7, 2011 in Basel. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI
Benfica ayaa kaalinta 1aad kaga soo baxday Group-ka C markii ay 1-0 kaga badisay Otelul Galati, goolkaasi waxaa u dhaliyay Oscar Cardozo.

Benfica's Oscar Cardozo, center, from Paraguay, celebrates with teammates after scoring the opening goal during their Champions League group C soccer match with Otelul Galati Wednesday, Dec. 7, 2011 at Benfica's Luz stadium in Lisbon. (AP Photo/ Francisco Seco)
Benfica, oo horey u xaqiijisay booskaan ayaa waxey markii ugu horeysay group-keeda kaga soo baxday kalinta 1d laga soo bilaabo 1995.
Manchester City ayaa la daba dhigay walaasheed ka weyn ee United, taasoo iyana firaaqeysay tartanka Champions League, inkastoo David Silva iyo Yaya Toure ay u dhaliyeen 2-0 ay kaga badiyeen Bayern Munich , ciyaartii ugu danbeysay ee Group A.

Manchester City's Joleon Lescott, centre, reacts after having a goal disallowed during his team's Champions League Group A soccer match against Bayern Munich at the Etihad Stadium, Manchester, England, Wednesday Dec. 7, 2011. (AP Photo/Jon Super)
kooxda hogaanka u heysa English Premier League ee City waxey kulankaan aaday iyadoo og in loo baahan yahay in ay ka badiso Bayern, isla markaana loo baahan yahay in laga badiyo Napoli laakiin riyadaasi uma suuragalin maxaa yeelay Villarreal wey celin weysay Napoli.
City, oo si toos ah u aadi doonta tartanka 2d ee ay kooxaha yurub ayaa waxaa 2da gool u kala dhaliyay Silva oo daqiiqadii 37d. kan 1aad dhaliyay iyo kii 2aad oo uu ku daray Toure.
Napoli ayaa groupkaasi ka soo baxday kaalinta 2ad kadib markii ay 2-0 kaga badisay Villarreal sidaana waxey u xaqiijisay booskeeda wareega 16ka ee ChL.

Napoli's Gokhan Inler from Switzerland , left, reacts with fellow team members after scoring a goal against Villarreal during their group A Champions League soccer match at the Madrigal stadium in Villarreal, Spain, Wednesday, Dec. 7, 2011. (AP Photo/Alberto Saiz) Villarreal's !a during their group A Champions League soccer match at the Madrigal stadium in Villarreal, Spain, Wednesday, Dec. 7, 2011. (AP Photo/Alberto Saiz)
Villarreal waxey noqotay kooxdii ugu horeysay ee Spanish ah oo 6 guuldaro oo xiriir ah dhabarka loo saariyo tartanka Champions League heerkiisa group stage.




