Manchester City oo 82 sano kadib hogaanka Premier League kula dabaal dageysa Christmas-ka
MANCHESTER, England (CIYAARO)—Manchester City ayaa sanadka cusub gaar ahaan Christmas-ka ku damaashaadi doonta iyadoo hogaanka horyaalkeeda ku fadhida markii ugu horeysay taariikhdeeda laga soo bilaabo 1929 markii Sergio Aguero uu 2 ka mid ah u dhaliyay 3-0 ay kaga badiyeen Stoke.
Aguero, 2da gool ee uu u dhaliyay City waxey tirada goolashiisa ka dhigeysaa 15 gool oo uu xilli ciyaareedkaan ka dhaliyay EPL.
Manchester United ayaa guushii ugu weyneyd mudo 3 bilood ah heshay, markii ay 5-0 ku dardartay Fulham, natiijadaasina waxey cagta-cagta u saarineysaa Manchester City oo ay ku tartamayaan Premier League.
Goolasha waxaa u kala dhaliyay Dimitar Berbatov, Danny Welbeck, Nani, Ryan Giggs iyo Wayne Rooney. United waxey haatan 2 dhibcood ka danbeysaa City, oo hogaanka ku damaashaadeysa.
Yossi Benayoun ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League u dhaliyay Arsenal, kaasoo uu dhaliyay markii ay 3 daqiiqo oo kaliyaha ka harsaneyd ciyaartii ay Gunners 2-1 kaga badisay Aston Villa.
Villa waxey u muuqatay in ay hal dhibic la hoyaadi doonto markii Marcus Albrighton uu soo bareejeeyay goolkii rigoorada ahaa ee uu Robin van Persie dhaliyay daqiiqadii 17d, Marcus goolkaasi wuxuu u ahaa kiisii 20,000 ee uu ka dhaliyo taariikhda horyaalka Premier League tan iyo August 1992.
Liverpool waxey 0-0 la gashay Wigan, iyadoo Charlie Adam uu ka qasaariyay gool rigoore ahaa oo loo dhigay.
Sunni Said Salah



