Messi, Ronaldo & Xavi oo ku loolamaya abaalmarinta FIFA Ballon d’Or 2011
PARIS (CIYAARO)—Laacibiinta Barcelona Lionel Messi iyo Xavi Hernandez oo uu wehliyo xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa waxey ku tartami doonaa abaalmarinta xiddignimada aduunka ee FIFA world player of the year.
Messi oo ah ninka heysta abaalmarinta loo tartamayo isla markaana 2dii sano ee la soo dhaafay qaatay ayaa wuxuu sanadkii tagay ka qaaday saaxiibadiisa ay u wada ciyaaraan Barcelona ee Andres Iniesta Xavi.
Marka laga soo tago wiilasha abaalmarintaan isku heysta ee : Cristiano Ronaldo (Portugal),Lionel Messi (Argentina) iyo Xavi (Spain) waxaa sidoo kale jira gabdho ku tartamaya abaalmarinta gabadha ugu fiican aduunka k/cagta waxeyn kala yihiin 3daasi gabdhood Marta (Brazil), Homare Sawa(Japan) & Abby Wambach (USA).

Brazil's Marta is awarded the FIFA Women's World Player of the Year on January 10, 2011 at the Kongresshaus during the FIFA gala ceremony in Zurich. The three finalists for the 2011 Women's World Player award are Germany's Fatmine Bajramaj, Germany's Birgit Prinz and Brazil's Marta. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)
Abaalmarinta macalinka aduunka ee FIFA World Coach of the Year waxaa isku heysta : Alex Ferguson (Scotland), Josep Guardiola (Spain) and José Mourinho (Portugal),

Portuguese Jose Mourinho is awarded the FIFA World Coach of the Year for Men's Football on January 10, 2011 at the Kongresshaus during The FIFA gala award ceremony in Zurich. The three finalists for the 2011 Men's World coach of the Year are Spanish Vicente Del Bosque, Spanish Pep Guardiola and Portuguese Jose Mourinho. AFP PHOTO / FRANCK FIFE (Photo credit should read FRANCK FIFE/AFP/Getty Images)
Abaalmarinta haweeneyda macalimadda k/cagta ugu fiican aduunka ee FIFA World Coach of the Year for Women’s Football award waxaa isku heystaan Bruno Bini (France), Norio Sasaki (Japan) and Pia Sundhage (Sweden).

German Silvia Neid holds a trophy on January 10, 2011 at the Kongresshaus during the FIFA World Coach of the Year for Women's Football award ceremony in Zurich. The three finalists for the 2011 Women's World coach of the Year are German Silvia Neid, German Maren Meinert and Swedish Pia Sundhage. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI
Abaalmarinta goolka ugu fiican aduunka ee FIFA Puskás award for the “most beautiful goal of the year” waxaa u tartamaya: Lionel Messi(Argentina), Neymar (Brazil) and Wayne Rooney (England).

Argentina's Lionel Messi receives the FIFA Ballon d'Or award on January 10, 2011 at the Kongresshaus during the FIFA Ballon d'Or ceremony in Zurich. The three finalists for the 2011 Ballon d'Or are Spain's Xavi Hernandez, Spain's Andres Iniesta and Argentina's Lionel Messi who all play for Barcelona. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI
Dhamaan abaalmarinadaan oo ay ku jirto FIFA Ballon d’Or waxaa lagu bixin doonaa xaflada weyn oo ka dhici doonta hall-ka caanka ah ee Kongresshaus ee magaalada Zurich, 9-ka January 2012.
Abaalmarintaan waxaa horey loo oran jiray “FIFA World Player of the Year Gala”, waxeyna soo jiitameysay illaa iyo 1991. laakiin sanadkii tagay ayaa waxaa loo bixiyay “FIFA Ballon d’Or”.
Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com



