Real Madrid & Barcelona oo harqiyay liiska ciyaartoyda aduunka

by Suni Said Salah | Posted on Friday, December 2nd, 2011
Readers:1265

FIFA ayaa xalay waxey shaaca ka qaaday liiska ciyaartoyda aduunka oo ka kooban 55 ciyaaroyd, kuwaasoo la doonayo in laga soo dhex saaro 11-ka ciyaartoy ee aduunka ugu fiican, kuwaasoo loo yaqaan Fifpro World XI 2011.

Barcelona, ayaa liiskaan waxey ku leedahay ciyaartoyda ugu badan waxeyna yihiin 11 ciyaartoy  halka  Real Madrid, oo ku soo xigta ay liiska ku leedahay 10 ciyaartoy, waxaa  kooxda 3d ah  Manchester United oo 6 ciyaartoy ka helay liiskaan iyo Chelsea oo 5 laacib ku yeelatay.

Horyaalka Spain ayaa laacibiinta ugu badan ku leh liiskaan kuwaasoo gaaraya 22 ciyaartoy, horyaalka England Premier League ayaa ku soo xiga oo liiska ku leh (18), Serie A (9 ), horyaalka Bundesliga (4 ciyaartoy , kuwaasoo u wada ciyaara Bayern Munich).

Xiddiga Santos,  Neymar ayaa ah xiddiga kaliyaha ee ka ciyaara meel ka baxsan qaarada yurub oo liiskaan ku jira.

55 ciyaartoy waxaa laga rabaa in laga soo reebo, hal goolhaye, 4 difaac, 3 xiddiga oo khadka dhexe ah iyo 3 weeraryaha, waxaana laga dhigi doonaa xulka aduunka ee 2011, kuwaasoo looga dhawaaqi doono xaflada lagu caleemo saarayo xiddiga aduunka  ee FIFA Ballon d’Or taasoo ka dhici doonta  Zurich, 9ka  January 2012.

Liiska la shaaciyay hoos ka aqri:

Goolhayayaasha: Gianluigi Buffon (Italy, Juventus), Iker Casillas (Spain, Real Madrid), Manuel Neuer (Germany, Bayern Munich), Victor Valdes (Spain, Barcelona), Edwin van der Sar (Netherlands, retired, formerly Manchester United).

Difaacayada: Eric Abidal (France, Barcelona), Dani Alves (Brazil, Barcelona), Ricardo Carvalho (Portugal, Real Madrid), Ashley Cole (England, Chelsea), Patrice Evra (France, Manchester United), Rio Ferdinand (England, Manchester United), Vincent Kompany (Belgium, Manchester City), Philipp Lahm (Germany, Bayern Munich), Lucio (Brazil, Inter), David Luiz (Brazil, Chelsea), Maicon (Brazil, Inter), Marcelo (Brazil, Real Madrid), Alessandro Nesta (Italy, AC Milan), Pepe (Portugal, Real Madrid), Gerard Pique (Spain, Barcelona), Carles Puyol (Spain, Barcelona), Sergio Ramos (Spain, Real Madrid), Thiago Silva (Brazil, AC Milan), John Terry (England, Chelsea), Nemanja Vidic (Serbia, Manchester United).

Khadka dhexe: Xabi Alonso (Spain, Real Madrid), Gareth Bale (Wales, Tottenham Hotspur), Sergio Busquets (Spain, Barcelona), Cesc Fabregas (Spain, Barcelona), Andres Iniesta (Spain, Barcelona), Kaka (Brazil, Real Madrid), Frank Lampard (England, Chelsea), Nani (Portugal, Manchester United), Mesut Ozil (Germany, Real Madrid), Andrea Pirlo (Italy, Juventus), Bastian Schweinsteiger (Germany, Bayern Munich), David Silva (Spain, Manchester City), Wesley Sneijder (Netherlands, Inter), Yaya Toure (Cote d’Ivoire, Manchester City), Xavi (Spain, Barcelona).

Weeraryahanada: Sergio Aguero (Argentina, Manchester City), Karim Benzema (France, Real Madrid), Edinson Cavani (Uruguay, Napoli), Didier Drogba (Cote d’Ivoire, Chelsea), Samuel Eto’o (Cameroon, Anzhi), Radamel Falcao (Colombia, Atletico Madrid), Mario Gomez (Germany, Bayern Munich), Zlatan Ibrahimovic (Sweden, AC Milan), Lionel Messi (Argentina, Barcelona), Neymar (Brazil, Santos), Cristiano Ronaldo (Portugal, Real Madrid), Wayne Rooney (England, Manchester United), Luis Suarez (Uruguay, Liverpool), Robin van Persie (Netherlands, Arsenal), David Villa (Spain, Barcelona).

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com 

Related posts:

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>