Ronaldo: horyaalka La Liga ayaa ka wanaagsan kan Premier League

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, December 29th, 2011
Readers:717

Cristiano Ronaldo wuxuu sheegay in horyaalka Spain ee La Liga uu ka fiican yahay kan Premier League maxaa yeelay ayuu leeyahay wuxuu u ogolaanayaa ciyaartoy walba inuu isaga isa soo saaro.

Ronaldo, 6 sano ayuu u soo ciyaaray Manchester United ka hore intii uusan ku soo biirin Real Madrid, wuxuuna u sheegay Dubai International Sports Conference in sharciyada aas-aaska u ah kubadda cagta gaar ahaan kuwooda bilowga ah uu ka soo bartay England  gaarn ahaan anshaxa “elementary and basic rules of football, especially discipline’ while in England”. 

Hayeeshee wuxuu intaa ku daray in horyaalka La Liga uu yahay kan ugu fiican ee aduunka maxaa yeelay ayuu yiri  ciyaartoy walba wuxuu isku haleynayaa xirfadiisa iyo farsamadiisa ’ skills and techniques.’

Sanadkaan wuxuu dhaliyay 20 gool, isaga ayaana hogaanka u haya gool dhalinta horyaalka  Spain , wuxuuna sheegay in uusan ku tala jirin in uu meel kale aado, uuna ku faraxsanyahay Madrid. 

Winner: Ronaldo won the Champions League, three Premier League titles, an FA Cup and two League Cups during his spell in England
Ronaldo wuxuu la qaaday United intii uu la joogay hal Champions League, 3 Premier League, hal FA Cup iyo 2 League Cups

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com 

 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>