Torres oo lagu beecinayo £20m kadib markii uu flop noqday

by Suni Said Salah | Posted on Wednesday, December 14th, 2011
Readers:687

Chelsea ayaa suuqa beeca soo dhigtay Fernando Torres kadib markii uu ka noqday xiddig flop ah isla markaana ay sheegtay in ay ku qasaartay , kaasoo bishii January ee sanadkaan ay kala soo baxday £50million.

Weeraryahankaasi wuxuu todobaadkii mushaar ahaan u qaataa £150,000, wuxuuna xilli ciyaareedkaan dhaliyay 4 gool oo kaliyaha horyaalka Barclays Premier League.

Chelsea waxey markii hore ka fakareysay iney qaab deyn ah  ku bixiso si ay u dhisto kalsoonidiisa, laakiin hada waxey dooneysaa in ay iska iibiso. 

Chelsea tani waxey ku tahay dharbaaxo weyn oo xagga dhaqaalaha ah maadaama ay ku qasaartay  xiddiga ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta England. waxaana hada ka go’an in ay dhageysato yabooh walba oo ku saabsan Torres xitaa hadii ay tahay £20m , isla markaana u dhigmi kara mushaarkiisa tirada badan ee bisha soo socota.

Andre Villas-Boas markii uu noqday macalinka Chelsea wuxuu isku qanciyay in  Torres oo ah mid ka mid ah weeraryahanada loogu cabsida badan yahay kubadda cagat aduunka in uu qaab ciyaareedkiisa dib u hanan doono . xitaa wuxuu u soo iibiyay Juan Mata oo uu ka soo gaday Valencia si uu u caawiyo ciyaarta Torres.

Chelsea wax badan ayeey u dulqaadatay 27-sano jirkaasi, laakiin dulqaadkaasi hada wuxuu u muuqdaa inuu dhamaaday, isla markaana waxey doonayaan iney iska iibiyaan bisha January. 

Party pooper: Torres (circled) fails to celebrate at the final whistleninka £50 million laga soo bixiyay oo sida sawirka ka muuqatay  (circled) aan u daab dageen guushii ugu dambeysay ee ay kooxdu heshay isagoo kursiga keydka fadhiya gabagabadii ciyaarta

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags
Displaying 1 Comments
Add Your Comment
  1. dhamaan shaqaalaha wb ciyaaro way ku mahad san yihen madamay dhalin yarada soomaliyed usootabinayaan wararka sports ka ku aadan

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>