United & City oo ku kala aaday Ajax & Porto isku aadka Europa League

by Suni Said Salah | Posted on Friday, December 16th, 2011
Readers:532

NYON, Switzerland (CIYAARO)—Isku aadka koobka labaad ee qaarada yurub laga ciyaaro ee Europa League ayaa lagu dhawaaqay iyadoo sanadkaan ay markii ugu horeysay ka qeybgaleyso  Manchester United, waxeyna ku soo beegantay  Ajax wareega 32.

Ajax lugta 1aad iyada ayaa marti loo yahay  waxeyna Man United wada ciyaari doonaan 16-ka Feb. wuxuuna kulankaasi noqon doonaa mid si weyn isha loogu haayo maadama ay  ay kooxahaani 7 mar ku guuleysteen Champions league marka la isku daro labadooda .

Kooxda koobka difaacaneysa ee FC Porto ayaa waxey ku soo beegantay  kooxda hogaamineysa Premier League ee Manchester City , waxeyna labadaan kooxood ka soo wada hareen  Champions League.

kooxdii 2010 qaaday Europa League ee Atletico Madrid waxey la ciyaari doontaa Lazio, intaa waxaa dheer in 2da horyaal ee ugu fiican yurub kooxo ka socda ay markaan kulmayaan waxeyn kala yihiin  Stoke-Valencia.

The bowls of Manchester city an Manchester United are pictured during the draw for the last 32 of the UEFA Europa League on December 16, 2011 at the UEFA headquarters in Nyon, Switzerland. AFP PHOTO / SEBASTIEN BOZON (Photo credit should read SEBASTIEN BOZON/AFP/Getty Images)

kooxaha kale waxey isku soo aadeen: Udinese vs. PAOK Thessaloniki; Locomotiv Moscow vs. Athletic Bilbao; Viktoria Plzen vs. Schalke; Salzburg vs. Metalist Kharkiv; Rubin Kazan vs. Olympiakos; AZ Alkmaar vs. Anderlecht; Steaua Bucharest vs. FC Twente; Wisla Krakow vs. Standard Liege; Braga vs. Besiktas; Trabzonspor vs. PSV Eindhoven; Hannover vs. Club Brugge; and Legia Warsaw vs. Sporting Lisbon.

dhamaan ciyaarahaan lugtooda 1aad waxaa la ciyaari doonaa  16-ka Feb. halka lugta labaad la isku soo laaban doono 23-ka Feb.—laakiin  Man City-Porto waxey ciyaari doonaan 22ka Feb.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>