Yaya Toure oo loo caleema saaray xiddiga sanadka Africa “African Player of the Year”
ACCRA, Ghana (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee xulka Ivory Coast Yaya Toure ayaa loo doortay laacibka sanadka ee qaarada Africa, African Player of the Year kadib xaflad lagu bixinaayay abaalmarintaasi oo lagu qabtay xarunta dalka Ghana ee Accra.
Laacibka kooxda Manchester City wuxuu abaalmarintaasi ka qaaday xiddiga khadka dhexe ee xulka Mali iyo Barcelona Seydou Keita, iyo weeraryahanka Ghana iyo kooxda Marseille Andre Ayew— oo kaalinta 3aad ka galay cod bixintaasi.
Harouna Doula ayaa la siiyay abaalmarinta macalinka Africa xafladii xalay abaalmarinadaasi lagu bixinayay kadib markii xulka Niger uu markii ugu horeysay ka soo qeybgaliyay tartanka African Cup of Nations, isagoo ka soo baxay group-kii ay ku jiren South Africa iyo Egypt.
Botswana ayaa loo aqoonsaday xulka sanadka kadib markii uu markii ugu horeysay ka soo qeybgalay koobka africa ee African Cup.
Xiddigii hore ee Nigeria Jay Jay Okocha iyo laacibka Morocco Mustapha Hadji ayaa la siiyay abaalmarinta rugvadayaasha Africa ( African legends awards).
Sidii loogu kala guuleystay abaalmarinta African Footballer of the Year
1970: Salif Keita (St Etienne, France and Mali)
1971: Ibrahim Sunday (Asante Kotoko and Ghana)
1972: Cherif Souleymane (Hafia and Guinea)
1973: Tshimen Bwanga (TP Mazembe Englebert and Zaire)
1974: Paul Moukila (CARA Brazzaville and Congo)
1975: Ahmed Faras (Mohammedia and Morocco)
1976: Roger Milla (Canon Yaounde and Cameroon)
1977: Tarak Dhiab (Esperance and Tunisia)
1978: Karim Abdoul Razak (Asante Kotoko and Ghana)
1979: Thomas Nkono (Canon Yaounde and Cameroon)
1980: Jean Manga Onguene (Canon Yaounde and Cameroon)
1981: Lakhdar Belloumi (GCR Mascara and Algeria)
1982: Thomas Nkono (Espanyol, Spain and Cameroon)
1983: Mahmoud Al Khatib (Al Ahli and Egypt)
1984: Theophile Abega (Toulouse, France and Cameroon)
1985: Mohamed Timoumi (Royal Armed Forces and Morocco)
1986: Badou Ezaki (Real Mallorca, Spain and Morocco)
1987: Rabah Madjer (FC Porto, Portugal and Algeria)
1988: Kalusha Bwalya (Cercle Bruges, Belgium and Zambia)
1989: George Weah (Monaco, France and Liberia)
1990: Roger Milla (St Denis, Reunion and Cameroon)
1991: Abedi Pele Ayew (Olympique Marseille, France and Ghana)
1992: Abedi Pele Ayew (Olympique Marseille, France and Ghana)
1993: Abedi Pele Ayew (Olympique Lyonnaise, France and Ghana)
1994: George Weah (Paris St Germain, France and Liberia) and Emmanuel Amunike (Sporting Lisbon, Portugal and Nigeria)
1995: George Weah (AC Milan, Italy and Liberia)
1996: Nwankwo Kanu (Inter Milan, Italy and Nigeria)
1997: Victor Ikpeba (Monaco, France and Nigeria)
1998: Mustapha Hadji (Deportivo Coruna, Spain and Morocco)
1999: Nwankwo Kanu (Arsenal, England and Nigeria)
2000: Patrick Mboma (Parma, Italy and Cameroon)
2001: El Hadji Diouf (Rennes, France and Senegal)
2002: El Hadji Diouf (Liverpool, England and Senegal)
2003: Samuel Eto’o (Real Mallorca, Spain and Cameroon)
2004: Samuel Eto’o (Barcelona, Spain and Cameroon)
2005: Samuel Eto’o (Barcelona, Spain and Cameroon)
2006: Didier Drogba (Chelsea, England and Ivory Coast)
2007: Frederic Kanoute (Sevilla, Spain and Mali)
2008: Emmanuel Adebayor (Arsenal, England and Togo)
2009: Didier Drogba (Chelsea, England and Ivory Coast)
2010: Samuel Eto’o (Inter Milan, Italy and Cameroon)
2011: Yaya Toure (Manchester City, England and Ivory Coast)
Ogow: abaalmarintaan horey waxaa u bixin jirtay French soccer magazine ilaa iyo 1994, laakiin wixii xilligaasi ka danbeeyay waxaa bixinta abaalmarintaan la wareegay African Football instituted.



