$1 million oo abaalmarin ah ayaa faraha laga saaray xulka Equatorial Guinea
Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea, Teodoro Nguema Obiang Mongue, ayaa xulka dalkaasi siiyay lacagtii uu u balan qaaday, taasoo cadadkeeda lagu sheegay $1 million, wuxuu siiyay cheque ay ku qorantahay lacagtaasi oo saxaafada loo soo bandhigay galabtay oo talaado ah.
Eq Guinea 1-0 ayeey kaga badiyeen xulka Libya , goolkaasi waxey heleen 3 daqiiqo oo kaliyaha markii ay ciyaarta ka harsaneyd waxaana u dhaliyay Javier Balboa.
Xiddiga goolka dhaliyay Balboa, wuxuu si gaar ah u qaatay oo la siiyay lacag dhan $20,000 dollor
wiilka uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Teodoro Obiang Nguema Mbasogo wuxuu sidoo kale balanqaaday inuu bixin doono lacag kale oo dheeri ah hadii ay sii badiyaan oo ay ka soo baxaan Group-ka A.
Markaan wuxuu diiday in uu cayimo cadadka lacagta uu bixinayo, inkastoo taasi ay niyada u sii dhiseyso ciyaartoyda maadaama ay beri oo arbaco ah kulankoodii labaad la ciyaari doonaan xulka Senegal.
Ciyaarta ugu danbeysa waxey magaalada Bata, kula ciyaari doonaan xulka Zambia 29 -ka January.
Equatorial Guinea, waa xulka ugu darajada hooseeya ee koobka africa ka qeybgalaya marka loo eego qiimeynta Fifa, waxeyna Group -ka A, kaga jiraan booska 2 waxaana gool tirsi group-kaasi ku hogaaminaya Zambian.
Sunni Said Salah



