$1m ayeey heli doonaan ciyaartoyda Equatorial Guinea hadii ay ka badiyaan Libya

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, January 19th, 2012
Readers:504

Ciyaartoyda xulka Equatorial Guinea ayaa waxey kala qeybsan doonaan hal million oo dollar oo abaalmarin ah hadii ay  ka badiyaan xulka Libya kulanka furitaanka ah ee Group A ee tartanka Africa Cup of Nations.

Lacagtaasi waxaa ku yaboohay wiilka uu dhalay madaxweynaha mudada dheer soo maamulayay wadankaasi ee  Teodoro Obiang Nguema.

Xaqiiqada EQ GUINEA

  • Xulkaasi waxaa loo yaqaan: Nzalang Nacional (National Lightning)
  • Macalinku waa: Gilson Paulo
  • Captain-ku waa: Rodolfo Bodipo
  • koobkaan markii ugu horeysay ayeey ka qeybgalayaan
  • Qiimeynta Fifa waxey kaga jiraan booska: 151

Waxaa intaa dheer in gool walba oo ay dhaliyaan xulka  Equatorial Guinea oo ka mid ah martigaliyayaasha tartankaasi lagu bixin doono aduun lacageed oo gaaraya US$20,000.

Lacagtaasi waxaa loogu talagalay in niyada ciyaartoyda sare loogu qaado maadaama rajada laga leeyahay inuu natiijo koobka africa ka keeno ay tahay mid aad u yar, intaa waxaa dheer in Equatorial Guinea uu yahay wadakna ugu darajada hooseeya ee tartanka qaramada africa ka qeybgalaya.

Kulanka furitaanka ee ay sabtid la ciyaarayaan Libya kadib, Equatorial Guinea waxey 25-ka January la ciyaari doontaa  Senegal, 4 maalin kadibna waxey is arki doonaan Zambia.

Magaalada Bata ee dalka Equatoguinean kadib, tartanka 2012 ee Nations Cup waxaa lagu soo gabagabeyn doonaa Gabon 12-ka February.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>