42 sano kadib Sudan oo u soo baxday quarterfinal-ka African Cup of Nations
BATA, Equatorial Guinea (CIYAARO)—42 sano kadib Sudan ayaa taariikhda markii ugu horeysay iska soo xaadirisay wareega 8d ee tartanka African Cup of Nations kadib markii ay caawa oo isniin ah 2-1 kaga badisay Burkina Faso.
Mudather Tayeb ayaa 2da gool u dhaliyay Sudan, kaasoo kiciyay dareenka shacabkiisa markii uu u soo saaray wajiga labaad ee African Cup oo ay ugu danbeysay sanadkii 1970. sidoo kale waxey guushaan u aheyd tii ugu horeysay oo ay Sudan ka hesho tartankaan tan iyo xilligaasi.
Ciyaartii kale ee Group-ka B, Angola ayaa laga reebay tartanka African Cup of Nations markii ay qasaaro 2-0 kala hoyaaday Ivory Coast oo mar hore u soo baxay quarterfinal-ka.
Emmanuel Eboue ayaa goolka 1aad dhaliyay daqiiqadii 32d kii labaad waxaa ku daray Wilfried Bony daqiiqadii 64d, sidaana waxey Ivory Coast ku diiwaangashatay guushii 3d ee Group B oo ay kaaalinta 1aad kaga soo baxday.
Sudan waxey goup-keeda kaga soo baxday wax loo yaqaan gool tirisi maxaa yeelay xulka Angola ayeey min 4 dhibcood isla laheeyeen, Angola waxey u baahneyd si ay u soo baxdo in ay hesho bareejo oo kaliyaha.

Ivory Coast Max Gradel (R) celebrates with teammates during the Group B Africa Cup of Nations football match between Ivory Coast and Angola, in
Ivory Coast, wareega 8d waxey la ciyaari doontaa Equatorial Guinea oo tartanka wax ka martigalinaya, halka Sudan ay la ciyaari doonto Zambia.



