7 sano kadib Arsenal oo rajo ka leh FA Cup, 3 kulan ayaan ka xiga Wembley

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 30th, 2012
Readers:327

LONDON (CIYAARO)—Arsenal ayaa soo nooleysay rajadeeda tartanka FA Cup-ka oo ay ka maqneyd mudo 7 sano ah, markii ay galabtay si la yaab leh 8 daqiiqo gudahood ay ku heshay 3 gool qeybtii danbe ee ciyaarta taasoo sababtay in ay 3-2 kaga badiso Aston Villa sidaana ay ugu soo baxday wareega 5aad ee FA Cup.

Villa, intii aan 3da gool laga dhalin waxey ciyaata ku hogaaminesyay 2-0 kuwaasoo ay kala dhaliyeen Richard Dunne iyo Darren Bent, waxeyna arintaasi dhako faar iyo aamusnaan ku riday taageerayaasha Arsenal oo ay koobkaan ugu danbeysay 2005.

Arsenal ayaa soo noolaatay markii ay 3 gool oo deg deg ah ka heshay Robin van Persie oo 2 gool oo rigoore ah dhaliyay iyo Theo Walcott oo kii 3aad ku daray.

Middlesbrough iyo Sunderland oo ciyaari doona 7da Feb. ayaa midii soo baxda waxey la ciyaari doontaa Arsenal taasoo galabtay ka badbaaday guuldaradii 4aad oo isku xigta, kooxda the Gunners fiinaalaha Wembley ka dhacaya waxaa ka xiga 3 kulan oo kaliyaha.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>