8 sano kadib Reyes oo dib ugu laabtay Sevilla
Weeraryahanka reer Spain Jose Antonio Reyes ayaa shalay dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Sevilla, mudo 8 sano ah kadib kadib markii uu ka soo tagay kooxda Atletico Madrid ee isla horyaalka La Liga , wuxuuna la joogo doonaa ilaa 2015.
“Jose Antonio Reyes, wuxuu ku soo biiray FC Sevilla,” sidaa waxaa lagu soo qoray website kooxdaasi.
28-sano jirkaasi wuxuu ciyaarihiisa ka soo bilaabay Seville sanadkii 1999. hayeeshee wuxuu ka tagay 2004 tan iyo xilligaan wuxuu u soo ciyaaro kooxo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Arsenal, Real Madrid, Benfica iyo Atletico Madrid, isagoo Premier League kula guuleystay Arsenal halka Spanish league uu la qaaday Madrid.
Wuxuu kaloo koobka Europa League la qaaday Atletico Madrid 2010, laakiin wuxuu dooqiisa noqon waayay macalinka kooxdaasi Gregorio Manzano, kaasoo bishii tagtay shaqada laga buriyay.
Wararka saxaafada laga helayo waxey sheegayaan in lagu kala gatay Reyes 3.5 million euros ($4.5m), waxaana intaa dheer million euros oo lagu xiray natiijada uu kooxda gaarsiiyo.
Sunni Said Salah



