Beeca Tevez oo ilaa iyo hada lagu heshiin la’yahay

by Suni Said Salah | Posted on Friday, January 6th, 2012
Readers:530

Mustaqbalka Carlos Tevez ayaa wali wuxuu yahay mid uu mugdi badani ku jiro, iyadoo kooxo badan oo yurub ah ay daneynayaan helitaanka ciyaaryahankaasi, horey waxaa u jiray warar sheegayay inuu ku biiri doono Inter Milan lakiin hada waxaa la leeyahay wuxuu ku biiri doonaa AC Milan, sida wakiilkiisa laga soo xigtay, Kia Joorabchian.

Agaasimaha farsamada ee Inter, Marco Branca, ayaa shalay wuxuu safar ku tagay England si uu ula kulmo saraakiil ka tirsan Manchester City, laakiin taasi badalkeeda wakiilka Teves, Joorabchian wuxuu wada hadalo la yeeshay madaxa howl fulinta ee Milan Adriano Galliani, kulankooda oo ka dhacay  Rio.

Joorabchian wuxuu u sheegay saxaafada Italy in heshiis kama danbeysta ah ay la gaari doonaan Milan isla matkaana ay ka baxeen wada hadaladii ay la wadeen Inter.

“Halkaan waxaan u nimid ( Rio) in aan soo afjarno heshiiska Milan. wax war ah kama maqal kooxda Inter tan iyo August,” ayuu yiri .

Saxaafada talyaanigu waxey sheegeen in Tevez uu mar hore yimid magaalada Milan—isla markaana lagu arkay aqalka la yiraah La Scala Opera House—waxaana intaa dheer in City jawaabta ugu danbeysa ay Milan siin  doonto todobaadka danbe.

Kooxaha reer Milan oo kaliyaha ma ahan wax doonaya xiddiga 27 sano jirka ah ee Tevez, hayeeshee waxaa jira koox badan oo ay ka mid tahay kooxda lacagta badan ee horyaalka French league hogamineysa ee Paris Saint-Germain.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>