Ciyaartoy Botswana oo diiday in ay ciyaaraan hadii aan la siin $2,000

by Suni Said Salah | Posted on Saturday, January 7th, 2012
Readers:867

Ciyaartoyda xulka Botswana ayaa diiday in ay ciyaaraan kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo xiriirka kubadda cagta ee dalkooda (BFA) kaasoo ku saabsan lacago ay dalbanayaan oo ku aadan ka qeybgalkooda tartanka Qaramada Africa ee  Africa Cup of Nations.

Ciyaartoydu hadda waxey diideen in ay tababarkii sameyaan , waxeyna iska joogeen hotel-ka ay ka daganyihiin magaalada Gaborone. tilaabadda ay ku dhaqaaqeen waxey cuuryaamisay kulan saaxiibtinimo oo ay maantay la ciyaari lahaayeen dalka ay dariska yihiin ee Zimbabwe.

Xulkaan oo loo yaqaan  Zebras waxey sanadkaan markii ugu horeysay taariikhdooda ka qeybgalayaan tartanka Nations Cup finals, kaasoo 21-ka bishaan ka furmi doona dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon.

Jadwalka ciyaaraha xulka Botswana 

  • 24 Jan: v Ghana, Franceville
  • 28 Jan: v Guinea, Franceville
  • 01 Feb: v Mali, Libreville

Muraka u dhaxeeya ciyaartoyda iyo xiriirka BFA wuxuu soo bilowday bishii December , kaasoo inta badan salka ku hayay in lacagaha ay rabaan la siiyo.

Ciyaartoydu waxey dalbanayaan lacag ku dhow 100,000 Pula oo u dhiganta (US$13,292) in la siiyo ciyaartoy kasta oo ka mid ah xulka oo ka kooban 23 ciyaartoy.

Intaasi waxaa dheer in ciyaartoy walba uu doonayo US$2,000 oo guno ah kulan walba oo ay badiyaan, halka hadii ay bareejo galaana ay doonayaan US$1,000, waana xilliga heerka isreebreebka lagu guda jiro.

Botswana waxey ku jirtaa Group D waxaana ku wehliya Guinea, Mali iyo Ghana.

Xulku waxaa kaloo uu codsanayaa in la siiyo P35,000 (US$4,651) marka ay soo gaaraan heerka knock-out stages ama final-ka.

Horey waxaa guno ahaan loogu siin jiray P100 oo u dhiganta (US$13), iyadoo ciyaartoydu ay codsan jireen in habeenkii la siiyo P500 (US$67).

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>