Fadhi ku dirir sports – ciyaaraha Soomaalida maxaa laga sheegay?
Maxamed-Muusow marka hore waan ku salaamay, salaan kadib war nin yahoow, aniga iyo adiga waan iska sheekeysanaa laakinse dad badan ayaa hadalkeena ku nool, arintaasna waxaan ku ogaadey fariimo la isoo dhigey E-mailka oo fara badan, runtiina maba ogi sida ay ku heleen E-mailkeyga iyo cida siisayba.
Dadku waxay leeyihiin adiga iyo saaxiibkaa sheekadiina dhan xiiso ayeey leedahay, balse anaga si caadi ah ayaan isaga sheekeysanaa waayo cid aan dulmino iyo cid aan wax ka sheegno malaha.
Muse- Maxamedow waa runtaa, anaga wixii aan iyaga ka maqalno ayaan is weydiinaa oo kaliya. Laakiin anigaba si aad ah ayaa la ii weydiiyaa ,maalinta aan sheekeeysan doono.
Maxamed- Muusow maalin dhaweyd ayaa fasax waxaa iigu yimid nin aan saaxiib nahay,, ninkaasi anigaba waa iga daran yahay, waxaan jeclaan lahaa in aan ku baro. Laakiin inta aan ku barin hadalo uu ii sheegay, haddii aan kuu sheego qosolka ayaa kaa dhamaanaya.
Wuxuu ii sheegay dad fara badan oo isboortiga ku jira dhaqankooda sida uu yahay, wuxuuna iigu sheegay sida soo socota:
Roob magaalo ku da’ay, laamiguu ku raftaa.
Qabiil qiiq isku qariyana, Qaranimuu ku raftaa.
Serie B hadal badana, Serie A ayey ku rafataa.
Jaahil aan aqoon laheyn. Reer magaalnimuu ku raftaa.
Nin jago doon ah, Taleefoon habeen dirid ayuu ku raftaa.
Nin jago haya. Qeybi oo xukun ayuu ku raftaa.
Ururada isboortiga London. Rag iska celi ayeey ku raftaan.
Olambikada Soomaaliyeed car Xamar imow ayey ku raftaan.
XSKC shil iyo ciyaaryahan baa iga dhintay ayeey FIFA kula raftaan.
Xiriirada iyo Olambikada, Gobolada lagama ciyaaro iyo kismaayo ka reeb ayey iskula raftaan
Xulka Qaranka ma xamar oo keliyaa mise……ayey Diasporaha iskula raftaan.
SSPAMEDIA & Turxaan bixin, Runta ayeey kula rafataa
La soco qeybo kale



![securedownload[10] securedownload[10]](http://ciyaaro.com/portal/wp-content/uploads/2012/05/securedownload10-55x55.jpg)