Ghana oo 2-0 ku dharbaaxday Mali ayaa wali shaki ku jirta
FRANCEVILLE, Gabon (CIYAARO)—Asamoah Gyan iyo Andre Ayew ayaa u suuragaliyay xulka Ghana iney 2-0 ku hadaafiyaan xulka Mali kulankii Group-ka D ee tartanka African Cup of Nations, natiijadaasi waxey rajo wanaagsan galineysaa Ghana marka loo eego u soo bixitaankeeda heerka quarterfinal-ka.
Group-ka D wuxuu noqday mid aad la iskugu dhagan yahay waxaana labada boos ee lagu soo baxayo isku heysta 3 xul oo kala ah—Ghana, Mali iyo Guinea—oo dhamaantood rajo ka wada leh in ay u soo baxaan quarterfinal-ka tartankaan, iyadoo wax dhiman ay tahay hal ciyaar oo kaliyaha.
Ghana ayaa group-kaan hogaamineysa waxey leedahay 6 dhibcood laakiin taasi kama dhigna in ay soo baxday oo wali booskeeda ma cada waxey kulanka soo socda Talaada la ciyaari doontaa Guinea.
Guinea iyo Mali, mid walba wuxuu leeyahay 3 dhibcood , waxeyna rajo wanaagsan ka wada qabaan in wareega labaad ay u soo gudbaan hadii ay badiyaan.



