Guinea oo 6-1 guuldaro ah ku macasalaameysay Botswana sidaana ku hartay
FRANCEVILLE, Gabon (CIYAARO)—Guinea ayaa soo nooleysay rajadeeda ah in ay u soo baxdo quarterfinal-ka tartanka African Cup of Nations kadib matkii ay 6-1 ku xasuuqday xulka 10-ka ciyaartoy ku ciyaarayay ee Botswana oo ay ku wada jiraan Group D.
Abdoul Razzagui Camara ayaa ahaa xiddigii ciyaarta, kaasoo hal gool dhaliyay isla markaana sababay in 2 gool oo kale uu dhaliyo weeraryahanka xulkaasi Sadio Diallo.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Stade Franceville ayaa Botswana waxey weysay Patrick Motsepe kaasoo calaamada casaanka ah qaatay ka hore intii aysan dhamaan qeybtii hore.
Ibrahima Traore ayaa kubadd caaqibo badan oo laad xora aheyd wuxuu ciyaarta kaga dhigay 4-1. sidaana lagu kala nastay
Guinea markii la isku soo laabtay waxey heleen 2dii gool ee kale waxeyna dhaliyeen 10kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay waxaana u kala dhaliyay Mamadou Dioulde Bah iyo Naby Soumah.
Botswana goolka ay dhalisay waxaa u dhaliyay Dipsy Selolwane daqiiqadii 23d-, wuxuu ahaa rigoore, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1, laakiin 5 gool ayaa loogu badalay taasoo keentay in tartanka oo dhan laga ciribtiro.
Sunni Said Salah



