Guuldarooyin la yaab leh oo ku kala habsaday Inter iyo Napoli
Inter Milan oo 7dii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Serie aan laga badin ayaa galabtay oo axada ah waxaa ku dhacday guuldaro lama filaan oo aysan fileyn markii 1-0 guuldaro ah ay ka qaadatay kooxda quusatay ee Lecce.
Guuldaradaaso Inter waxey 9 dhibcood ka hoos marineysaa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Juventus, taasoo 2-1 kaga badisay Udinese.
Guuldaro kale oo la yaab leh waxey ku habsatay galabtay Napoli, taasoo 3-2 qasaaro ah kala hoyaaday kooxda heerka dhexe ee Genoa, waxeyna taasi ka dhigantahay in ay 15 dhibcood ka hoos martay Juventus.
Guushaasi Lecce waxey 3 dhibcood ka sara marineysaa booska ay ku jiraan kooxaha quustay ee Serie A, Siena oo ka mid ah kooxaha ugu hooseya ee horyaalka ayaa 2-1 qasaaro ah ka kala dheelmaday Fiorentina.
Napoli’s loss was even more of a shock because only last month they had walloped Genoa 6-1, but this time round they found themselves trailing 3-0.
AC Milan ayaa si xarago leh 3-0 kaga badisay Cagliari, taasina waxey u suuragalineysaa in ay hal dhibic ka hoos marto Juventus oo ay ku dagaalamayaan horyaalka Serie A.
Ibrahimovic ayaa goolkiisii 15d ee horyaalka xaqiijiyay daqiiqadii 32d, labada gool ee kala waxaa kala dhaliyay Antonio Nocerino iyo captain-ka Milan Massimo Ambrosini.
Lazio oo dagaal ugu jirta in sanadka danbe ay ka qeybgasho Champions League ayaa 3-0 kaga badisay Chievo, 2 ka mid ah goolashaasi waxaa u dhaliyay rugcadaaga reer German Miroslav Klose.
Sunni Said Salah



