Horyaalka kubadda cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo furmi doona

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 30th, 2012
Readers:247
Maamulka Kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed  ee magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaaa shaaca ka qaaday in dhawaan u magaaladdaasi ka qabsoomi doono tartanka horyaalka Jaaliyada oo sanad kasta la qabto.

War saxafadeed uu soo saaray guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee magaalda Jiddah Mudane Maxamed Aweys ayuu ku sheegay in qaban qaabada tartanka tartanka horyaalka kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ay haatan si wanagaasan uga socoto xafiiska maamulka kubada cagta jaaliyada ee magaalada Jeddah.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tartankan ay a ka qeyb geli doonaan dhamaan kooxaha ka dhisan gudaha iyo daafaha Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo qori turkuna uu dhici doono maalinta Khamiista Habeenka Jimacaha soo Galeyso taariikhduna ay tahay 02/02/2012 saacadda 08:30pm.

Guddoomiye Maxamed Aweys wuxuu war saxaafadedkiisa maanta ku sheegay in tartankani uu si weyn uga duwanaan doono tartamadii hore loo qaban jiray marka loo eego sida weyn ee qaban qaabadu u socoto iyo diyaar garowga xoogan ee kooxuhu ugu jiraan ka qeyb galka tartanka.

Jadwalka tartanka iyo taariikhda uu furmi doono dhawaan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan loogusoo bandhigi doonaa saxaafada waxaana arrinkaas ku howlan xafiiska warfaafinta maamulka kubada cagta jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah.

By Shaafici Muxyadiin Abuukar (ISLOW)
Email:shaficiislow@yahoo.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>