Ivory Coast oo noqday xulkii 2 ee jarta ticket-kiisa quarter-final-ka tartanka Africa

Published on January 27, 2012 by   ·   No Comments
Equatorial Guinea African Cup Soccer
Number of View: 116

MALABO, Equatorial Guinea (CIYAARO)—Ivory Coast ayaa xaqiijiyay booskeeda heerka quarter-final-ka ee tartanka African Cup of Nations kadib markii uu caawa oo khamiis ah 2-0 kaga badiyay xulka Burkina Faso.

Ivory Coast waxey sidaa ku noqoneysaa xulkii labaad ee xaqiijiya u soo bixitaanka wajiga labaad ee tartankaan marka laga yimaado xulka Equatorial Guinea oo ka mid ah martigaliyayaash koobka 2012 Africa Cup of Nations.

Natiijadaasi waxey dharbaaxo ku tahay Burkina Faso oo gabi ahaanba tartanka iskaga hartay, inkastoo ay hal ciyaar u dhiman tahay ,  booska labaad ee Group-ka B waxaa isku heysta Angola iyo Sudan.

Salomon Kalou ayaa goolka 1aad u dhaliyay Ivory Coast daqiiqadii 16d halka kan labaad uu xulkiisa ka dhaliyay Bakary Kone daqiiqadii 82d ,  Ivory Coast waxey ka mid tahay xulalka u sharaxan in koobkaan ay hantaan wallow ay u ciyaaraan laacibiinta ugu mushaarka badan qaarada Africa kuwaasoo ka wada ciyaara horyaalka English Premier League.

Ciyaaraha ugu danbeya ee group-kaan waxaa la ciyaari doonaa maalinta Isniinta ah ee soo socota markaasoo Sudan ay la ciyaari doonto Burkina Faso halka Ivory Coast ay ka hortagi doonto  Angola.

Sunni Said Salah

Related posts:

Bayern oo ku faraxsan ciyaarta Inter
Sochaux oo ku tumatay PSG
Benzema oo ku durduriyay Hercules
Share
Readers Comments (0)




Lionel Messi

Messi oo taariikh cusub oo dhanka gool dhalinta ah lugtiisa ku xariiqay

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ...
Aron Ramse

Dhimashada dad oo caan ah oo Rabi uu sababa ugu dhigay goolasha Aron Ramse

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aron ...
-

Zambia oo markii ugu horeysay saaratay taajka horyaalnimada Africa

LIBREVILLE, (CYAARO) - Zambia ayaa taariikhdeeda markii ...
Our Reader's Comments
Most Popular