Juventus & Milan oo ku dagaalamaya hogaanka Serie A
MILAN (CIYAARO)—AC Milan ayaa 2-0 kaga badisay Atalanta, guushaasi waxey u sahashay in ay hogaanka Serie A kula dagaalanto Juventus, oo 1-0 tacbaan ah kaga adkaatay kooxda horyaalka ugu hooseysa ee Lecce.
Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyay goolka 1d oo rigoore ahaa daqiiqadii 22d halka Kevin Prince Boateng uu goolkii guusha u xaqiijiyay 8 daqiiqo markii ay ciyaarta ka dhimaneyd.
Ciidamada Massimiliano Allegri waxey min 37 dhibcood wada leeyihiin Juventus, oo goolka guusha uu madaxa ugu dhaliyay Alessandro Matri daqiiqadii 27d, kaasoo ciyaarta badal ku soo galay.
Udinese, oo 35 dhibcood wadata waxey 4-1 kaga badisay kooxda 10-ka ciyaartoy ku ciyaareysay ee Cesena, waxeyna fadhidaa booska 3aad ee Serie A
Bologna waxey 2-0 kaga badisay Catania , waxeyna natiijadaasi 6 dhibcood ka sara marineysaa halka ugu hooseysa horyaalka.
Francesco Totti, oo 35 sano jir ah, ayaa 2diisii gool ee ugu horeysay xilli ciyaareedkaan u dhaliyay AS Roma kuwaasoo wada ahaa rigoorayaal, isla markaana waxey 2-0 kaga badiyeen Chievo.



