Libya, Senegal oo hadaafay iyo Zambia & Eq. Guinea oo iska xaadiriyay quarterfinals

by Suni Said Salah | Posted on Monday, January 30th, 2012
Readers:295

BATA, Equatorial Guinea (CIYAARO)—Ihaab Boussefi iyo xulkiisa ayaa niyad jab kala hoyaaday koobka Africa markii xulkiisa Libya ay ku filnaan weysay 2dii gool ee uu u dhaliyay kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Senegal oo ay si wada jira ah boorsooyinkooda ugu xirxiteen tartanka African Cup of Nations.

Xulka Libya waxey wadankooda kula laaban doonaan iyagoo wata hal badis ah, halka Senegal ay la laaban doonto guuldaradii 3aad oo isku xigta oo ay ka qaadato tartanka African Cup of Nations.

Xulka Senegal 3dii kulan oo ay ciyaartay waxaa looga wada badiyay tiro goolal ah oo is le eg oo ah min 2-1 gool.

Group-ka A waxaa labadii boos ee lagu soo baxayay kala qaatay Zambia oo 1-0 kaga badisay Equatorial Guinea oo horey u xaqiijisay u soo baxitaanka wareega 2aad ee African Cup of Nations

Natiijadaasi waxey ka dhigantahay in xulka aan laga badin ee Zambia ay kaalinta 1aad kaga soo baxday Group-ka A, halka Equatorial Guinea oo ka mid ah martigaliyayaasha koobkaan ay kaalinta labaad ku soo baxday, waxaana laga yaabaa in ay wajiga labaad la ciyaarto Ivory Coast.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>