Messi oo taariikhda markii 3 oo isku xigta la hoyaaday abaalmarinta FIFA Ballon d’Or+Sawiro

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, January 10th, 2012
Readers:2813

ZURICH (AP)—Lionel Messi oo dalka Argentina u dhashay ayaa noqday ciyaaryahanka kaliyaha ee  3 mar oo isku xigta taariikhda abaalmarinta xiddiga adduunka ee FIFA Ballon d’Or ku guuleysta.

Lionel Messi  ayaa qaatay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or markii uu helay  47.88 codadkii la bixiyay, wuxuuna ka qaaday  xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo helay (21.6)%) iyo  Xavi Hernandez oo ay isku koox u wada ciyaaraan oo helay (9.23%). waxaana codbixintaasi sameeyay macalimiinta iyo captain-da xulalka aduunka iyo wariyayaal la soo xulay.

Laacibiinta kaliyaha ee horey 3 mar u qaatay abaalmarintaa waxey kala yihiin Ronaldo oo qaatay sanadihii (1996-97 and 2002) iyo  Zinedine Zidane oo ku guuleystay sanadihii (1998, 2000 and 2003). laakiin iskuma xigaan sida Messi oo kale.

24 sano jirkaasi wuxuu Barcelona u dhaliyay 55 gool sanadkii la soo dhaafay ee 2011 , kaasoo markii 3aad u qaaday koobka Champions League mudo 6 sano gudahood ah.

Barcelona's Argentinian forward Lionel Messi speaks after receiving the FIFA Ballon d'Or award on January 9, 2012 at the Kongresshaus during the FIFA Ballon d'Or ceremony in Zurich. AFP PHOTO / FRANCK FIFE (Photo credit should read FRANCK FIFE/AFP/Getty Images)

Messi, wuxuu magaciisa ku daray liiska xiddigihii ugu caansanaa ee aduunka mucjisooyinka ka dhigay kuwaasoo kala ah Michel Platini oo abaalmarinta Ballon d’Or 3 mar oo isku xigta gurigiisa geystay, walow markaasi oo aheyd  intii u dhaxeysay 1983-85 abaalmarintaasi loo ogolaa oo kaliyaha laacibiinta yurub oo kaliyaha. laacibiintii hore ee xulka Netherlands  Johan Cruyff iyo Marco van Basten ayaa sidoo kale min 3 mar qaatay abaalmarinta Ballons d’Or. waana xilligii yurub kaliyaha ay qaadan jirtay

Pep Guardiola, oo u dhashay dalka Spain isla markaana macalin u ah Barcelona ayaa qaatay abaalmarinta macalinka aduunka ugu fiican ee FIFA World Coach of the Year for Men’s Football.

FC Barcelona's Spanish coach Josep Guardiola poses after receiving the FIFA Men's Football Coach of the year award during the FIFA ballon d'or ceremony on January 9, 2012 at the Kongresshaus in Zurich. AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

Guardiola, oo 40, sano jir ah wuxuu Barcelona sanadkii tagay ee 2011 u qaaday 5 koob, waxaana ku jira Champions League, FIFA Club World Cup iyo markii 3aad oo uu u qaaday horyaalka Spanish La Liga.

Pep Guardiola wuxuu abaalmarintaan qaatay  markii uu helay 41.92% codadkii la bixiyay, wuxuuna ka qaaday macalinka  Manchester United  Sir Alex Ferguson, oo helay 15.61%, iyo  Jose Mourinho, oo macalin u ah Real Madrid oo helay (12.43%).

Gabadha u dhalatay dalka  Japan ee Homare Sawa aya markii ugu horeysay taariikhdeeda ku guuleysatay  laacibada aduunka ugu fiican ee FIFA Women’s World Player of the Year, waxeyna soo afjartay 5 sano oo isku xigta oo ay abaalmarintaan iska qaadaneysay gabadha reer Brazil ee  Marta. Sawa waxey xulka haweenka ee Japan u qaaday koobkii haweenka aduunka ee  2011, Women’s World Cup of 2011.

 

Japan's Homare Sawa is awarded the prize for the women's soccer player of the year 2011 at the FIFA Ballon d'Or awarding ceremony in Zurich, Switzerland, Monday, Jan. 9, 2012. (AP Photo/Michael Probst)

Homare Sawa  ayaa heshay 28.51% codadkii la bixiyay, waxeyna sidaa ku garaacday gabadha reer Brazil ee Marta iyo Abby Wambach oo reer USA ah, kuwaasoo kala helay 17.28% iyo 13.26% codadkii la bixiyay.

Macalinka reer  Japan’ee Norio Sasaki  ayaa la hoyaaday abaalmarinta macalinka xulka haweenka ugu fiican aduunka ee FIFA World Coach of the Year for Women’s Football. kaasoo xulka Japan u qaaday koobkii haweenka aduunka ee Women’s World Cup.

 

Japanese Women's team coach Norio Sasaki poses after receiving the FIFA Women's Football Coach of the Year award during the FIFA ballon d'or ceremony on January 9, 2012 at the Kongresshaus in Zurich. AFP PHOTO / FRANCK FIFE

Norio Sasaki wuxuu helay 45.57% ka mid ah codadkii la bixiyay,  wuxuuna ka qaaday abaalmarinta Pia Sundhage, oo dalka  Sweden u dhalatay laakiin macalin u ah xulka haweenka Mareykanka oo heshay (15.83%), halka macalinka xulka haweenka France Bruno Bini uu kaalinta 3aad codbixintaadsi ka galay markii uu helay (10.28%).

 

Santos FC' Brazilian forward Neymar speaks after receiving the FIFA Puskas award during the FIFA ballon d'or ceremony on January 9, 2012 at the Kongresshaus in Zurich. AFP PHOTO / FRANCK FIFE

Neymar oo u dhashay  Brazil ayaa jiitay abaalmarinta lagu bixiyo goolkii ugu fiicnaa ee sanadkii tagay ee FIFA Puskás Award  “most beautiful goal”, wuxuuna abaalmarintaasi ka qaaday weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney iyo Messi.

Manchester Uninted British coach Sir Alex Ferguson receives the FIFA Presidential Award from FIFA president Sepp Blatter (R) during the FIFA ballon d'or ceremony on January 9, 2012 at the Kongresshaus in Zurich. AFP PHOTO / FRANCK FIFE

Sir Alex Ferguson ayaa helay abaalmarinta madaxtanimada FIFA ee  FIFA Presidential Award taasoo uu bixiyo  Madaxweynaha FIFA Joseph S. Blatter, maadaama uu Sir Alex Ferguson mudo 25 sano ah macalin u soo ahaa Manchester United. isagoo u qaaday in ka badan 30 koob oo kala duwan oo ay ka mid yihiin 12 Premier League ah, 5 koob oo FA Cups ah, 2 koob oo UEFA Champions Leagues iyo hal koob oo FIFA Club World Cup ah.

(LtoR) Barcelona's Brazilian Dani Alves, Barcelona's Spanish Gerard Pique, Manchester United's Serbia Nemanja Vidic, Barcelona's Spanish Andres Iniesta, Barcelona's Spanish Xavi Hernandez, Barcelona's Argentinian Lionel Messi, Manchester United's English Wayne Rooney pose near Brazilian football legend Pele (R) after receiving the FIFA/FIFPro World XI award on January 9, 2012 at the Kongresshaus in Zurich during the FIFA Ballon d'Or event. AFP PHOTO / FRANCK FIFE

Xulka aduunka ugu fiican ee  FIFA/FIFPro WORLD XI. waxaa loo doortay ciyaartoyda kala ah: Iker Casillas (Spain) in goal; Dani Alves (Brazil), Gerard Piqué (Spain), Sergio Ramos (Spain) and Nemanja Vidic (Serbia) in defence; Xabi Alonso (Spain), Andrés Iniesta (Spain) and Xavi (Spain) in midfield; and Cristiano Ronaldo (Portugal), Lionel Messi (Argentina) and Wayne Rooney (England) up front.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Related posts:

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>