Morocco iyo Niger oo daadku qaaday, Gabon iyo Tunisia oo banaanka is keenay
FRANCEVILLE, Gabon (CIYAARO)—Gabon ayaa booska 1d kaga soo baxday Group C, tartanka Africa Cup of Nations markii ay 1-0 kaga badisay Tunisia oo ay caawa oo talaado ah ku wada ciyaareen garoonka cidlada ahaa ee Stade de Franceville.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolkiisii 3aad ee tartanka Africa shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 62d , sidaan xulka koobka martigalinaya uu kaalinta 1aad ku xaqiiqsaday, laakiin nasiibku wuxuu u saamaxay in uu ka fogaado in ay isku dhacaan Ghana heerka quarter-final-ka.
Gabon, oo guushaan u aheyd tii 3aad oo ay tartanka ka hesho ayaa 6 dhibcood ku soo baxday, waxaana ku wehliya group-ka oo kaalinta labaad ku soo baxay xulka ay ka badisay ee Tunisia.
Morocco ayaa Niger u diiday in ay hesho guushii ugu horeysay oo ay ebed ka helaan tartanka Africa Cup of Nations oo ay markii ugu horeysay taariikhdooda ka qeybgalayaan markii ay 1-0 qasaaro ah loo saariyay sidaana ay koobka labadooduba kaga hareen.

Morocco soccer team reacts after scoring against Niger during their African Cup of Nations Group C soccer match at Stade De L'Amitie in Libreville, Gabon, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Francois Mori)
Niger, guuldaradaan waxey u aheyd tii 3aad oo isku xigta oo ay ka qaadato tartanka African Cup of Nations.
Sunni Said Salah



