PSG iyo City oo isku afgartay in ay kala iibsadaan Tevez

by Suni Said Salah | Posted on Tuesday, January 17th, 2012
Readers:487

Weeraryahanka reer Argentinian Carlos Tevez ayaa la filayaa in uu ku biiri doono horyaalka Ligue 1 kooxda hogaamineysa ee Paris Saint Germain kadib markii Manchester City ay heshiis la gaartay maantay, sida ay ku soo warantay  wakaalada AFP oo soo xiganeysa Ilo ku dhow PSG iyo shirkada iska leh kooxdaasi ee QSI.

Heshiiska ayaa wuxuu ku xiran yahay in uu ku qanacsanyahay  27-sano jirkaasi – kaasoo beri lagu wado inuu imaado magaalada Paris si uu iskaga aqriyo qodobaa heshiiska isla markaana u saxiixo.

Tevez, waxaa la filayay  inuu ku biiro doono AC Milan laakiin qorshahaasi wuu fashilmay markii kooxdaasi ay diiday in ay bixiso weeraryahanka reer Brazil ee Alexandre Pato si uu ugu mid noqdo  PSG , iyadoo soo bandhigtay aduun lacageed oo gaaraya 28 million oo euro.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>