Real Madrid oo caradii ay ka soo qaaday Barca kula kuftay Zaragoza
BARCELONA, Spain (CIYAARO)—3 maalin kadib markii ay Barcelona ka soo reebtay koobkii ay difaacaneysay ee Copa del Rey, ayaa Real Madrid waxey 3-1 u saarisay kooxda horyaalka ugu hooseysa ee Zaragoza , waxeyna si adkeysatay hogaankeeda horyaalka Spanish league.
Kooxda 3dii sano ee ugu danbeysay iska qaadaneysay horyaalka ee Barcelona waxaa laga sareeyaa 8 dhibcood waxeyna caawa xilli danbe la ciyaareysaa Villarreal.
Zaragoza, oo sanadkii tagay gurigeeda kaga badisay Madrid ayaa caawana goolkii 1aad kala hormartay, kaasoo uu daqiiqadii 11d u dhaliyay Angel Lafita.
Laakiin Kaka ayaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay Madrid daqiiqadii 32d, halka Cristiano Ronaldo iyo Mesut Oezil ay labada kale ee gool ku dareen ciyaartii ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu Stadium.
Madrid 9 ka mid ah 10kii kulan ee ay horyaalka xilli ciyaareedkaan ku ciyaartay aqalkeeda wey wada badisay, kooxda kaliyaha ee gurigeeda kaga badisay horyaalka xilli ciyaareedkaan waa Barcelona.
Sunni Said Salah



