Real Madrid oo si fudud ku dhaaftay Granada
BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Real Madrid ayaa siyaadsatay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka Spanish league kadib markii ay 5-1 kaga badisay kooxda dhawaan galka ku ah horyaalka ee Granada, 2 ka mid ah goolashaasi waxaa shabaqa ku hubsaday Karim Benzema.
Guushaasi waxey Madrid u sahelysaa in ay 6 dhibcood oo nadiif ah ka sara marto kooxda ay horyaalka ku xafiltamayaan ee Barcelona taasoo beri la ciyaari doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol.
Benzema ayaa daqiiqadiii 19aad ee ciyaartii ka dhacday Santiago Bernabeu goolkii 1aad ku daahfurtay ciyaarta. laakiin Granada ayaa daqiiqad kadib heshay goolkii bareejada ahaa, hayeeshee Madrid ayaa 4 gool ugu badashay kuwaasoo ay kala dhaliyeen Sergio Ramos, Gonzalo Higuain, Benzema iyo Cristiano Ronaldo.
Weeraryahanka xulka France, 2daasi gool waxey tirada goolashiisa ee horyaalka xilli ciyaareedkaan ka dhigayaan 10 gool.
Jose Mourinho, wuxuu aruursaday 43 dhibcood, 17 kulan oo uu ciyaaray, 6 dhibcood wuxuu ka sareeyaa Barcelona oo 2 kulan ay u harsantahay.
Levante, waxey booska 4aad la fadhidaa 30 dhibcood kadib markii ay 0-0 la gashay Real Mallorca. halka kooxda booska 5aad ee Osasuna ay natiijo sidaasi oo kale ah oo 0-0 ah ay la gashay Real Sociedad.
Sunni Said Salah




Asc