Tartan kubadda cagta ah oo ka soconaya garoonka Xararyaale ee degmada Wardhiigley

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, January 19th, 2012
Readers:370

Maamulaha tartanka kubadda cagta ee nabadda ee ka soconaya garoonka Xararyaalle Ex-Minishiibiyo ee degmada Wardhiigleey Abuukar M. Sheikh (Afweyne) ayaa sheegey in ciyaarahaasi ay haatan marayaan meel aad u xiiso badan, kaasoo aysan fileyn markii hore.

Abuukar oo dhinaca kale ah Gudoomiye ku-xigeenka naadiga Banaadir Telecom ayaa xusey in qabashada tartankaasi ay ugu talagaleen soo celinta nabadda ee deegaanka taasi oo uu sheegey inay garab kaga heleen maamulka degmada ee dhanka siyaasadda oo gacan weeyn ka geystay qabashada tartankaa oo 25 kooxood ay ka qeybgalayaan.

“Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey ayaa gacan naga siisey suurta galnimada inaan halkaan iskugu keeno in ka badan  300 oo ciyaartoy iyo daawadayaal intaasi ka badan, ujeedaduna waa inaan sportiga aan ku muujino soo celinta bilicda iyo nabadda degmadan” ayuu yiri Afweyne.

Wuxuu intaa ku daray in tartanka iminka uu wajigiisii labaad geli doono kulamadii ugu danbeeyay ee wareega koowaadna la ciyaari doono, isla marka ay uu dhamaadana ay qaban doonaan tartan kale oo ciyaartoyda da’yar ay ka qeybgali doonaan.

Natiijooyinka kulamadii ugu danbeeyay ee tartanka nabadda ee garoonka Xararyaale Ex-Minishiibiyo waxey ku kala baxeen.

Walaalaha vs Xamar bile 0-2
Raadeerka vs X/jadiid 2-0
Dalbile vs X/jajab 2-1
Sos vs habarcad 0-0
Jimcooleey vs Looto 1-1
Xarbi vs Gubta 0-0
Uko vs Geed jaceyl 1-1
New Deyniile vs Fc raaxeeye 0-0

C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>