Tartanka European old boys ee Manchester oo la shaaciyay xilliga la qabanayo
Ururka SSCA iyo kooxda Oldd Boys ayaa shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay qabsoomi doonaan ciyaaraha kubadda cagta ee cayaartoydii ka cuslaatay kubadda cagta ee jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub, kaasoo sanad walba lagu qabto magaalada Manchester ee dalka Uk.
Shir ay maamulka kooxda Old Boys iyo ururka SSCA iskugu yimaadeen ayaa lagu go’aansaday in tartanka Somali European Old Boys Tournament oo sanad waliba ka dhaca magaaladaasi uu sanadkan dhici doono 3-4 ta bisha March 2012, iyadoo diiwaangalinta kooxaha doonaya in ay ka soo qeybgalaana ay is diiwaan gali doonaan 25 ka bishan Janaayo 2012.
Ciyaarahaan ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxey ahaayeen kuwo aad u xiiso badan oo ay dad badan ka soo qeybgalayeen.
Haddaba kooxdii daneyneysa ka qeybgalka tartankaasi waxey si toos ah ula xariiri kartaa guddiga qabanqaabada tartankaasi oo ay aka mid yihiin:
Axmed Sheegow: +447539480861
Cabdi Kuus: +44793296224



![securedownload[10] securedownload[10]](http://ciyaaro.com/portal/wp-content/uploads/2012/05/securedownload10-55x55.jpg)
waad ku mahad santihin sida qalaiga ah aad inu soo gaarsisaan ciyaraha lakin labarka cabdi kuus waxa ka maqaan labar aya ka maqaan ino soo saxa si aan ula xirirno waxan daganahay finland