Totti oo jabiyay taariikhdii gool dhalinta ee horyaalka Serie A
ROME (CIYAARO)—Captain-ka Roma, Francesco Totti ayaa magaciisa ku daray liiska taariikhda horyaalka Serie A u yaala markii uu jabiyay record-kii u yiilay gool dhalinta horyaalkaasi, gaar ahaan goolal uu dhaliyo ciyaaryahan hal koox oo qura u soo ciyaaray noloshiisa oo dhan, kadib markii uu 2 ka mid ah dhaliyay 5-1 ay kaga adkaadeen Cesena.
Totti, wuxuu record-kiisa cusub ku diiwaan gashaday 211 gool oo uu ka dhaliyay Serie A, intii uu u ciyaarayay Roma, Totti wuxuu sidaa ku jabiyay record-kii uu heystay xiddigii kooxda AC Milan oo kaliyaha u soo ciyaaray ee Gunnar Nordahl, gaar ahaan sanadihii 1950s, una dhaliyay 210 gool.
“Tani waxey aheyd wixii aan ku riyoon jiray, oo ah in adigoo hal naadi u ciyaara aad jabiso taariikh horey loo dhigay,” sidaa waxaa laga soo xigtay 35-sano jirka Totti, la yiraah, kaasoo kulankiisii ugu horeeyay ee Serie A ah u saftay Roma sanadkii 1993 , isagoo 16 sano jir ah.
Marka la eego Guud ahaan liiska gool dhalinta Serie A, Totti wuxuu kaga jiraa kaalinta 5d, waxaana ka sareeya Silvio Piola oo leh (274 goals), Nordahl (225), Giuseppe Meazza (216) iyo Jose Altafini (216).
Guusha ay heshay Roma waxey u direysaa booska 6aad ee xagga kala horeynta, 8 dhibcood waxey ka hooseysaa kooxda Serie A hogaamineysa ee Juventus, taasoo booqan doonta Atalanta.
Sunni Said Salah



