Tunisia oo dirqi kaga badbaaday Niger iyo Morocco oo boorsooyinkeeda qaadatay

Published on January 27, 2012 by   ·   No Comments
Issam Jemaa
Number of View: 92

LIBREVILLE, Gabon (CIYAARO)—Issam Jemaa ayaa daqiiqadii 90d ee dhamaadkii ciyaarta xulkiisa Tunisia badbaadiyay markii uu goolkii badiska ahaa u dhaliyay , isla markaana wuxuu u suura galiyay iney u soo baxaan wareega  quarterfinal-ka markii ay  2-1 dirqi ah kaga badiyeen xulka Niger oo gabi ahaanba ku cusub tartankaan.

Issam Jemaa oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa goolkaasi dhaliyay xilli uu garsoorihii ciyaarta uu isku diyaarinayay inuu soo afjaro kulanka , sidaana uu dhulka kula jaray Niger oo ay ku wada jiraan Group-ka C.

Youssef Msakn ayaa goolkiisii labaad ee tartanka wuxuu u dhaliyay Tunisia kadib markii uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii 4aad ee ciyaarta, laakiin hal daqiiqo kadib waxaa goolkaasi soo bareejeeyay Ngounou Tonji.

Bruno-Zita Mbanangoye ayaa goolkii guusha u dhaliyay Gabon, taasoo 3-2 kaga badisay Morocco , natiijadaasi waxey xulka koobka wax ka matigalinaya u sahashay in ay u soo baxaan quarterfinal-ka African Cup of Nations kadib markii ay daaqada ka saartay xulkii loo saadaalinayay iney Group-ka C ka soo bixi doonaan.

Tunisia iyo Gabon ayaa si toos ah u jartay  ticket-kii wareega labaad ee koobkaan, iyadoo Morocco ay noqotay  xulkii ugu danbeeyay  ee qaarada africa ugu magac dheer kaasoo si lama filaan ah taratnka qaramada Africa looga reebay.

Sunni Said Salah

Related posts:

Bayern oo 2 sano siisay Mueller
Deco oo ku biiray Fluminense
Genoa oo dhuunta u gashay Juventus
Share
Readers Comments (0)




Lionel Messi

Messi oo taariikh cusub oo dhanka gool dhalinta ah lugtiisa ku xariiqay

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ...
Aron Ramse

Dhimashada dad oo caan ah oo Rabi uu sababa ugu dhigay goolasha Aron Ramse

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aron ...
-

Zambia oo markii ugu horeysay saaratay taajka horyaalnimada Africa

LIBREVILLE, (CYAARO) - Zambia ayaa taariikhdeeda markii ...
Our Reader's Comments
Most Popular