BARCELONA, Spain (CIYAARO)—Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Xavi Hernandez ayaa ku tilmaamay ciyaartoyda Real Madrid, kuwo guuldareystay oo xayawano ah (bad losers and animals) kadib markii kooxdiisu ay ka badisay kulankii ugu danbeeyay ee xamaasada watay.
Barcelona waxey Real Madrid u diiday iney difaacato koobkii ay heysatay ee Copa del Rey markii arbacadii ay 2-2 kula gashay garoonka Camp Nou, sidaana ay ku reebtay
Website-ka wargeyska El Mundo ayaa baahiyay sawiro uu ka soo xigtay Tv-ga Barca maantay oo jimco ah gaar ahaan Xavi oo kulankaasi ka hadlaya.
“Qolka dhar badalashada ayeey ku dhex cabanayeen, ma yaqaanaan sida loo aqbalo guuldarada, waxey jecelyihiin oo kaliyaha iney badiyaan—,” ayaa laga soo xigtay xiddiga khadka dhexe ee reer Spain.
Hadalka Xavi wuxuu xiisaad kale ku abuurayaa marxalada kacsan ee labada kooxood isagoo waliba si gooni ah ciyaartoyda Madrid ugu tilmaamay iney yihiin xayawaano ah “animals” marka loo eego qaabka ay u dhaqmaan.
Jose Mourinho, wuu ka gaabsaday inuu u jawaabo Xavi laakiin waxaa doorkaasi qaatay kaaliyaha macalinka Madrid Aitor Karanka. wuxuu yiri “sida dhabta ah Real Madrid wey taqaan sida loo aqbalo guuldarada, laakiin qaabkaasi in loo hadlo ma wanaagsana”.
Madrid , 14-kulankii ee ugu danbeeyay ee ay la ciyaartay Barcelona 9 ka mid ah qasaaro ay kala hoyaaday halka hal mar oo kaliyaha ay ka badisay Barca.
Sunni Said Salah