AC Milan oo guuldaro kala hoyaaday Lazio, Milito oo goolal ku harqiyay Palermo
ROME (CIYAARO)—AC Milan ayaa guuldaro 2-0 ah kala hoyaaday Lazio kulankii caawa ee horyaalka Talyaaniga, natiijadaasi waxey faa’iido yar u tahay Juventus oo hal dhibic ku hogaamineysa Serie A.
Juve ciyaartii ay la ciyaari laheyd Parma waa la baajiyay markii ay qeyb ka noqotay ciyaaro kale oo baraf dartii loo hakiyay. Laakii ciyaarta ugu daamaashaadka badan waxey aheyd tii dhexmartay Inter Milan iyo Palermo taasoo 8 gool la isku hurgufay.
Diego Milito ayaa 4ta gool u wada dhaliyay Inter, ciyaartii ka dhacday San Siro halka 4ta gool ee Palermo uu 3 ka mid ah dhaliyay Fabrizio Miccoli.
Kooxda darajada 3aad eee Udinese ayaa 3 dhibcood u soo jirsatay hogaanka sare markii ay 2-1 kaga adkaatay Lecce halka Lazio 00 4aad ku jirta ay hogaanka 5 dhibcood u jirto.
Juventus, ayaa horyaalka waxey ku hogaamineysaa 44 dhibcood, Milan oo ku xigta waxey leedahay (43), Udinese (41), Lazio (39) iyo Inter (36).
Sunni Said Salah



