Barcelona oo ku durdurisay Leverkusen iyo Lyon oo dirqi ku dhaaftay APOEL
LEVERKUSEN, Germany (CIYAARO)—Lionel Messi iyo Alexis Sanchez ayaa Barcelona u kala dhaliyay 3-1 ay kaga taqaluseen Bayer Leverkusen lugtii 1aad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League oo habeen hore qaarada yurub dib ugu bilowday.
Kooxda koobkaan difaacaneysa ee Barca waxaa hogaanka u dhiibay Sanchez daqiiqadii 41d, markii uu pass xirfadeysan ka helay Messi. laakiin difaaca Bayer Michal Kadlec ayaa goolkaasi ka soo guday kooxdiisa daqiiqadii 52d.
Hayeeshee 3 daqiiqo kadib waxaa u jawaabay mar kale Sanchez, waxaana goolkii quusinta ahaa ee 3aad ka dhaliyay Leverkusen , Messi, kaasoo shabaqa si fudud kubaddii ugu hubsaday daqiiqadii 88d.
Barca, guushaan waxey u tahay tii 13 aad ee aan laga badin tartanka Champions League,
APOEL, waxey sanadkaan dhigay taariikh gooni ah markii ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee Cyprus ah oo soo gaarta heerkaan oo kale tartanka Champions League, aad ayeey xalay u niyad jabisay Lyon ka hore intii aysan helin goolka nasiibka ah.

Lyon's Kim Kallstrom of Sweden, left, challenges for the ball with Apoel Nicosia's Constantinos Charalambides, center, during their Champions League soccer match at Gerland stadium, in Lyon, central France, Tuesday, Feb. 14, 2012. (AP Photo/Laurent Cipriani)
Lyon ayaa 7da bisha March waxey booqan doontaa guriga APOEL oo ay kula soo ciyaari doonto lugta labaad ee kulankaan.
Sunni Said Salah




wara adiga tageero barcelona aya tahay markii laga badiyo wax masoo qoreysid markay badiyaan waa faraxsan tahay war wapsetka dhex dhexad ka dhig
waa ii farxad anay barcelona ay badiso maxaa yeelay waan taageeraa