City oo la cuuryaamiyay, United oo ka daba timid, Chelsea oo dirqi ku fakatay
LONDON (CIYAARO)—Manchester City ayaa ku guuldareysatay in ay hogaanka Premier League sii wado markii ay 2-0 qasaaro ah kala kulantay Everton.
Darron Gibson, oo horaantii bishaan ka tagay Old Trafford ayaa goolka u dhaliyay Everton, kaasoo cuuryaamiyay rajadii City ee hogaanka Premier League, inkatoo ay wali hogaanka ku heyso gool tirsi.
City iyo United waxey isla leyihiin min 54 dhibcood 23 kulan oo ay wada ciyaareen, 5 dhibcood waxey ka sareyaan Tottenham Hotspur.
Javier Hernandez iyo Dimitar Berbatov ayaa 2 gool oo rigoore oo ay u kala dhaliyeen Manchester United waxey u suuragalisay in ay 2-0 kaga badiyaan Stoke City, natiijadaasi waxey ka dhigantahay in ay hogaanka Premier League kula qabsatay walaasheed Manchester City.

Manchester United's Javier Hernandez, centre, celebrates after scoring against Stoke during their English Premier League soccer match at Old Trafford Stadium, Manchester, England, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Jon Super)
2 gool oo uu dhaliyay Gareth Bale iyo mid kale oo uu ku daray Luka Modric ayaa u sahlay Tottenham in ay 3-1 kaga badiso Wigan , waxaana hogaanka Premier League ka xiga 5 dhibcood oo kaliyaha.
Bale goolasha uu dhaliyay tirada goolashiisa xilli ciyaareedkaan waxey ka dhigayaan 11 gool, James McArthur ayaa goolka u dhaliyay Wigan daqiiqadii 80d.
Spurs, oo booska 3aad heysata waxey 7 dhibcood ka sareysaa Chelsea oo ku jirta kaalinta 4d oo ah kan ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League.

Tottenham Hotspur's Gareth Bale, right, celebrates his second goal against Wigan Athletic with teammate Luka Modric during their English Premier League soccer match at White Hart Lane, London, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Sang Tan)
Chelsea ayaa naftu ku soo noqotay markii goolkii bareejada ahaa ee ay 1-1 kula gashay Swansea ay heshay dhamaadkii ciyaarta, goolkaasi wuxuu ahaa mid ay iska dhaliyeen kooxda reer Welsh.
Scott Sinclair ayaa Swansea goolka 1aad u dhaliyay wax yar ka hore intii aan loo dareerin nasiinaha. Swansea, waxey aheyd kooxdii 2 todobaad ka hore ka yaabsatay Arsenal markii ay kaga badisay 3-2, waxeyna mar kale dooneysay in ay ka yaabsato Chelsea laakiin Taylor ayaa goolkii bareejada ahaa ka dhaliyay.
Ashley Cole oo difaaca kaga ciyaara Chelsea ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 86aad.
Sunni Said Salah



