Dib u dhac ku yimid bilaabashada ciyaarta fiinalaha ee Africa Cup of Nations

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, February 9th, 2012
Readers:722

Waqtigii ay bilaaban laheyd ciyaarta kama danbeysta ah ee tartanka Africa Cup of Nations ayaa dib u dhac uu ku yimid, taasoo la sheegay in mudo 30 daqiiqo ah ay dib u dhici doonto xilligii looogu talagalay sababo la xiriira cilado xagga farsamada ah.

Ciyaarta oo la ciyaari doono maalinta Axada ah ayaa waxey dhex mari doontaa  xulalka Zambia iyo Ivory Coast waxeyna ka dhici doontaa magaalada Libreville, ee dalka Gabon, horey waxaa loogu waday in ay bilaabato 1900 GMT, laakiin hada waxaa la shaaciyay in laga dhigay 1930 GMT.

Xiriirka kubadda cagta ee (Caf) ma sheegin sababta keentay in dib loo dhigo ciyaarta .hayeeshee waxaa loo maleynayaa in aan wali sidii la rabay aan loo iibsan ciyaarta finalaha ah, iyadoo tigidho (tickets) aad u fara badan wali ay yaalaan balse CAF ay sheegtay in 70% inta badan ticket-dii ciyaarta la iibsaday.

Zambia waxey markii 3aad ciyaari doontaa ciyaarta kama danbeynta ah ee tartankaan waxeyna dooneysaa in garoonka dalka Gabon ee Stade de l’Amitie, ay ku qadao koobkii ugu horeeyay ee Africa.

Ivory Coast waxey raadineysaa in ay hesho koobkii 2d oo qaarada ah 20 sano kadib oo ay koobkii ugu horeyay ay ka qaaday Ghana.

Zambia waxey 1-0 kaga soo badisay Ghana ciyaartii ka dhacday Bata, halka Ivorians ay natiijo sidaasi oo kale ah oo 1-0 ah ay kaga badisay  Mali ciyaartii ka dhacday Libreville habeen hore.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>