Ghana iyo Mali oo soo baxay, Guinea iyo Botswana oo dib u laabtay
FRANCEVILLE, Gabon (CIYAARO)—Ghana ayaa kaalinta 1aad kaga soo baxday Group D markii ay 1-1 la gashay xulka 10-ka ciyaartoy ku ciyaarayay ee Guinea, kuna xaqiijisatay booskeeda wareega quarterfinal-ka ee African Cup of Nations.
Guinea oo rajo wanaagsan ka laheyd tartanka ayaa xaqiiqsatay in ay hartay markii Mali ay 2-1 ku garaacday Botswana kulankii kale ee Group -ka D.
Ghana, bareejo oo kaliyaha ay ka xigtay soo bixitaankeeda, ayaa daqiiqadii 28d waxaa goolka u dhaliyay Emmanuel Agyemang Badu. ciyaartii ka dhacday garoonka Stade de Franceville
Natiijadaasi waxey u sahashay Ghana in ay 7 dhibcood group-keeda kaga soo baxdo, waxaa wehliyay Mali oo 6 dhibcood heshay halka Guinea ay 4 dhibcood ku hartay.
Botswana, waxaa ku habsatay guuldaradii 3aad oo isku xigta iyadoo sanadkaan uu u ahaa markii ugu horeysay oo ay ka soo qeybgasho tartanka African Cup.
Ghana kulankeeda quarterfinal-ka waxey la ciyaari doontaa Tunisias, halka Mali ay ka hortagi doonto Gabon oo ka mid ah martigaliyayaasha tartanka. xulalka kale ee isku arki doona wareega 8aad waxey kala yihiin Zambia vs. Sudan iyo Ivory Coast vs. Equatorial Guinea.
Sunni Said Salah



