Ghana oo jaratay ticket -keeda semifinalka koobka Africa markii ay dubatay Tunisia

by Suni Said Salah | Posted on Monday, February 6th, 2012
Readers:304

FRANCEVILLE, Gabon, (CIYAARO) – Ghana ayaa waxey u baahatahay waqti dheeri ah si ay 2-1 kaga badiso Tunisia tartanka African Nations Cup, sidaana ay ku xaqiijisay booskeeda semi-final-ka kaasoo ay la ciyaari doonto Zambia.

Qalad uu sameeyay goolhayaha Tunisia ayaa waxaa ka faaiideystay Dede Ayew kaasoo daqiiqadii 101d goolkii guusha u dhaliyay xilkiisa.

Captain-ka  Ghana, John Mensah ayaa madaxa ugu dhaliyay goolkii furitaanka 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaartii ka dhacday garoonka Stade de Franceville, laakiin  Saber Khalifa ayaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay  Tunisia daqiiqadii 42d.

Difaaca Tunisia Aymen Abdennour ayaa ciyaarta laga saaray markii uu xusul ku dhuftay Ayew, iyadoo xamaasada ciyaartu ay aheyd mid aad u kacsan.

kulanka kale Semifinalaha wuxuu dhex mari doonaa Ivory Coast iyo Mali.

Sunni Said Salah

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>