Capello oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay John Terry
ROME (CIYAARO)—Macalinka England Fabio Capello ayaa diidmo kala hor yimid go’aankii ay xiriirka kubadda cagta Englan xilkii captain-imo kaga qaadeen John Terry .
Capello oo la hadlay idaacadda dalka talyaaniga ee RAI ayaa yiri “runtii waa wax aan la aqbali karin go’aanka uu gaaray ninka maamula xiriirka kubadda cagta England, David Bernstein”.
Capello wuxuu sheegay in uu arintaasi kala hadlay gudoomiyaha FA wuxuuna ku yiri “Terry looma ciqaabi karo danbi aan ku cadeyn, waxa socda waa eedeyn oo kaliyaha, mana aqbalayo go’aankaasi.” wuxuu intaa ku daray in Terry uu wali yahay captain-kiisa.
Terry, ayaa maalintii jimcaha aheyd waxaa laga xayuubiyay darajadii uu ku hogaaminayay xulka England markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay midabka ciyaartoy Antenio
Sunni Said Salah



