Messi oo taariikh cusub oo dhanka gool dhalinta ah lugtiisa ku xariiqay

by Suni Said Salah | Posted on Monday, February 20th, 2012
Readers:832

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda soo mara Barcelona  ee horyaalka La Liga ka dhaliya 200 oo gool kadib markii uu caawa oo Axad ah uu Barca u dhaliyay 4 ka mid ah 5-1 ay kaga adkaadeen Valencia kulankii ka dhacay Camp Nou.

Rug cadaaga la yiraah Xavi ayaa horey recordkaasi u heystay, wuxuuna diiwaankaasi taariikhdiisa ku qoray markii ay da’diisu aheyd 25 sano jir oo ay u dheereyd 236 maalmood. hayeeshee, Messi ayaa haatan taariikhdaasi la wareegay wuxuuna ku diiwaangashaday  24 sano jir oo ay u dheertahay 240 maalmood.

Xiddiga reer Argentina kulankii ugu horeeyay ee uu ka ciyaaro La Liga wuxuu ahaa kii ay Barca 1-0 kaga badisay   Espanyol 16kii October, 2004.

Messi, oo 3dii sano ee ugu danbeysay loo doortay xiddiga aduunka ugu wanaagsan ayaa 142 gool ku dhaliyay 199 kulan oo horyaalka La Liga ah.

Messi wuxuu ka mid yahay 5ta ciyaaryahan ee ugu safashda badan xilligaan la joogo Barcelona waxeyn kala yihiin Xavi (401), defender Carles Puyol (359), Victor Valdes (317) and Andres Iniesta (258).

Barcelona 10 dhibcood ayeey illigaan la joogo ka hooseysaa Real Madrid, oo horyaalka hogaamineysa

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>