Rajada Arsenal oo hoos u sii dhacday markii ay dhaafi weysay Bolton

by Suni Said Salah | Posted on Thursday, February 2nd, 2012
Readers:367

BOLTON, England (CIYAARO)—Rajada Arsenal ee ah in ay sanadka soo socda ka qeybgasho Champions League ayaa dharbaaxo kale ku sii dhacday markii ay 0-0 bareejo ah  la gashay Bolton kulankii horyaalka Premier League ee galabtay oo Arbaco ah.

Weeraryahanka reer Netherlands Robin van Persie ayaa ku guuldareystay inuu dhaliyo goolkisii 19aad ee horyaalka markii 2 mar uu birta ku dhuftay kubadda.

Arsenal natiijadaan waxey jiifineysaa booska 7aad ee horyaalka iyadoo ku guuldareystay in ay badiso kulankii 4aad oo isku xiga Premier League, 5 dhibcood ayaa ka xigta in ay kaga mid noqoto 4ta koxood ee ugu sareeya iyadoo 15 kulan oo kaliyaha ay horyaalka ka harsantahay.

Newcastle United ayaa u soo dhawaatay 4ta darajo ee ugu sareysa horyaalka markii ay 2-0 kaga badisay Blackburn Rovers kulankii.

Mid ka mid ah goolasha waxaa iska dhaliyay Scott Dann’ kan soo harana waxaa dhaliyay Gabriel Obertan oo ciyaarta badal ku soo galay , natiijadaasi waxey Newcastle jiifineysaa kaalinta 5aad, 3 dhibcod waxey ka hooseysaa Chelsea, kooxda nasiibka xun ee Rovers waxey ka sii mid ahaan doontaa kooxaha ugu hooseeya horyaalka.

Sunni Said Salah 

Related posts:

Tags

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>