Zambia oo markii ugu horeysay saaratay taajka horyaalnimada Africa
LIBREVILLE, (CYAARO) – Zambia ayaa taariikhdeeda markii ugu horeysay ku guuleysatay horyaalnimada African Nations Cup, markii ay 8-7 rigoorayaal ah kaga badisay xulkii koobka loo saadaalinayay ee Ivory Coast iyadoo xilligii loogu talagalay iyo waqtigii dheeriga ahaaba ay gool la’aan isla dhaafi waayeen.
Zambia waxey koobka qaramada africa ku qaaday xalay magaaladii ay ku dhinteen 18-kii ciyaartoy ee xulka Zambian ee diyaaradu la burburtay sanadkii 1993 waxeyna aheyd musiibadii ugu xumeyd ee dhanka sports ah ee dalkaasi ku dhacda.
Ivory Coast koobkaan mar ayeeyba qaadi lahaayeen laakiin waxaa goolkii ay koobka ku hanan lahaayeen oo ahaa mid rigoore ah ka qasaariyay oo hawada mariyay captain-kooda Didier Drogba daqiiqadii 70d.
Koobkaan wuxuu ahaa kii 28aad ee qaarada africa laga ciyaaro tan iyo markii uu soo bilaamay 1957-dii iyadoo koobkii ugu horeysay lagu qabtay Sudan waxaana qaadatay Egypt.
Ivory Coast iyo Zambia wuxuu fiinaalahaan u wada ahaa markii 3aad oo u xul walba si gooni ah u yimaado fiinaale. xulka Ivorians koobkaan waxey qaateen 1992 laakiin waxaa laga qaaday 2 mar oo ay ugu danbdysay kii xalay ee 2012-ka iyo 2006, waliba 2da marba rigoorayaal ayaa looga qaaday. Zambia waxaa laga qaaday 1974 iyo 1994.

Zambia national team players celebrate their victory with their trophy at the end of the African Cup of Nations final football match between Zambia and Ivory Coast on February 12, 2012, at the Stade de l'Amitie in Libreville. AFP PHOTO / FRANCK FIFE
Zambia waxey noqotay xulkii 14d ee koobka Africa ku guuleystay . Macalinka Zambia Herve Renard wuxuu noqday macalinkii 4aad oo Faransiis ah oo koobkaan qaada marka laga yimaado Claude LeRoy (1988), Pierre Lechantre (2000) iyo Roger Lemerre (2004).
Sanadka soo socda ee 2013-ka waxaa koobkaan lagu ciyaari doonaa Johannesburg. maadaama Africa ay isku raacday in 2 sano oo isku xigta koobkaan la qabto. sanadka 2015 waxaa lagu qaban doonaa Morocco.
sunnijournalist@gmail.com



